INQILAAB HUBAYSAN OO SAAKA XILDHIBAAN CALI MAREEXAN OO WATA CIIDANKII ILAALADA SHIDAALKA KULA WAREEGAY XARUNTII BARLAMAANKA SOMALILAND

calimareexaan

Waxaan halkan ka salaamayaa akhristayaasha sharafta leh iyo warbaahinta xalaasha ah waxaanaan ku salaamayaa salanta Islaamka ee ASALAMU CALAYKUM.

Waxan maanta dalkeena ka dhacayaa waxay i xusuusisay maalmihii halgankii SNM ee uu mudane Axmed Maxamed Silanyo Guddoomiyaha ka ahaa bal wax yar aan dib u milcsado, haddii aan i dhaahdo dib aan u jaleeco waydun nixi doontaane malaa milicsigaa la qaatay oo iyadu ah dul ka xaadis.

Mujaahid Cabdiqaadir koosaar ilahay naxaristisa jano ha ka waraabiye oo Gudoomiyaha SNM ahaa ayaa wuxuu ku wareejiya SNM oo cidankeedu midaysanyahay oo ah aaga Makka iyo aaga Madiina, Ergayda shirarka oo hab deegan oo ku salaysan xeryaha ciidan, aqoon iyo karti lagu soo xulo, Golaha dhex ee SNM oo aqoon iyo karti iyana lagu xulo , Saraakiisha ciidanka oo walaalo ah nafta isu bixiya. SNM oo sidaas ah baa lagu wareejiyay.

Bal haddaba SNM oo sidee ah baa lagala wareegay?

Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali ilaahay naxariistiisa jano ha ka waraabiye oo ahaa Gudoomiyihii SNM kala wareegay mudane Axmed Maxamed Silaanyo,
1. Wuxuu kala wareegay Ciidanka SNM oo ah cidan beeledyo aan wax xidhiidh ahi ka dhaxaynin oo reero ah Ciidankii 8 aad beel buu ahaa, 2 aad beel buu ahaa, 4 aad beel buu aha 88 beel bu aha, 7 aad beel buu ah, sancaani beel bu ahaa, iyo in kale oo badan , ciidankii midaysnaa sidaas buu ku danbeeyay. saraakiishii walaalah ahaydna waxay danbeeyeen inay kudlado noqdan sida Calan cas, Shiish iyo khaakh iyo kudaldo aan is bixinaynin oo kolba uu kudlad ciyaarsiyo.
2. Ergaydii shirkii Baligubadle waxaa lagu soo xulay hab qabiil oo ahaa siyaasadii silanyo SNM la yimid.
3.Golihii dhex ee SNM ee aqoonta iyo kartida lagu xuli jiray wuxuu mudane Silanyo ku bedelay in qabyaalad lagu soo xulo
4. Midnimadii oo burburtay iyo qabyaaladii oo dabarada goosatay.
5. Xirsi inaguma cusba ee madaxtooyadii SNM oo ahayd xafiiskii Adisababa waxaa fadhiyay Xirsi kale oo isku dhaqanah wuu ka yara dheeraaye.
6. waxaan xusuusta markii 6 bilood ka hadhsanayd shirkii baligubadle wadnaha aynu farta ku haynay oo waxaynu lahayn ilaahay 6 daa bilood oo dhiig aanu dadan ha idinku dhaafiyo silaanyo.
7. Haddii aan la is yeel yeelayn mudane Axmed Silanyo wuxuu SNM kaga tegay taariikh madow.

Maanta halka xaal marayo nin waynina wuu garanay oo waynu u joognaa ,
Waxaa ayaan darro aha inaynu 25 sanadood ka bacdi nidhaahno mar labaad ilaahay 8 daa bilood ee u hadhaysan iyada oo aanu dhiig dadan ha idin dhaafiyo maamulka Axmed Silaanyo.
Sidii uu taarikhda SNM balka madaw ugaga tegay buu manta taariikh madaw ugaga tegayaa Somliland.

Waxaa saaka aroornimadii hore Inqilaab hubaysan iyo ciidankii maalmahan danbe lalahaa waxaa loo samaynayaa ilaalada shirkadaha shidaalka ee beelaysnaa isga oo uu wato Xildhibaan Cali mareexan uu qabsadeen xaruntii golaha barlamaanka Ciidankaas oo ka amar qaadanay xildhibaan Cali Mareexan oo isga Madaxtooyadu u soo cumaamaday inuu si sharci darro iyo awooda ciidankaas ku noqdo Gudoomiyaha golah barlamaanka Somaliland, taas la rabo inuu sabtida kursigii gudoomiye cabdiraxmaan si sharci darro ah kula wareego xildhibaan cali mareexaan oo muddo dheer ku taamayay ku xiganediisuna uu magacaabi doono marka uu kursiga dabad la hello.

Waxaa loo baahanyahay inaynu u diyaar garewno sidii aynu u difaaci lahay sharciyadii iyo geedi socodkii dimuqraadiga ahaa ee aynu u soo halganay tan iyo maalintii lagu dhawaaqay gooni istaaga somaliland ee balanteenu ahayd in muwaadinkii hunguri ka hayo hogaanka somaliland inuu ku tartamo kasbadona kalsoonida shacabka Somaliland ee aanu ku hungurayn kursiga xoog ciidan, xadhig, cagajuglayn iyo qabyaalad oo taasi haddi ay cid kursiga ku haynayso malaa Maxamed Siyaad Bare oo ciidanaka Afrika ugu xooga badan haystay bay ku hayn lahayd kursiga oo ku sii nagaan lahaa waynu ogayn halkuu ku danbeeyay. kuwa maanta taa kordhsiimo iyo kursiga oo ay ku sii negaadan ku doonaya tolow miyaanay dalka ku noolayn, malaa xagga iyo danwadaagihii dajuuma iyo kurtin waaray bay ka yimaadeen.

Waxaan xukumada mudane Axmed Silaanyo uga digayaa inay ka fogaato sharci darada iyo xooga awood sheegashada iyo dariiqa qaloocan ee qodaxda badan ee ay qaaday kuna soo noqoto miyr qabkii, maanta kacdoonku ma ah mid qabiil ee waa mid qaran beelo iska hor imanayaan majiraan ee waa qaran doon iyo qaran dumis taasna waxaa kaga markhaati ah reer Burco sidii ay ugu midoobeen soo dhawaynat Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo aan loo kala hadhin.

Waxan ugu baaqayaa shacbi waynaha reer Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba in loo guntado, geesna looga soo wada jeesto ilaalinta sharciyad iyo kala danbaynta, lagana soo hor jeesto afgebigan hubaysan ee lagula wareegay golahii barlamaanka inta dalka gudihiisa joogtana waxaa laga sugayaa inaynu banaabaxo arintaas lagaga soo hor jeedo aynu qabano, oo debada iyo gudahba ka dhaca.

Gebgebadii ;
waxaa la gaadhay wakhtiga kacdoonka shacabka ee aynu debad baxa ku mujin lahayn taageeradeen Somaliland kuna diidanahay dulmiga, boobka, cagajuglaynta, xadhiga, xoog sheegashad, car juuq dheh, iyo xoritiyal qawlka.

waxaa inoo balan ah sabtida inaynu dib u soo xorayno xarunteeni barlamaanka ee la ciidanka lagu qabsaday.
GUUL GUUL GUUL GUUL IYO GOBANIMO.

ALLA MAD LEH NINKA AAMINA AWOOD LEH

Faisal farafidiye
waddaniga dhabta ah