Jawaab Abdirashid Osman oo Abdirahman Ciro iyo Waddani ka sasay oo sida fiinta uuga sii ooyaaya by Abdi Mustafe

MAQAAL

Hubka waaweyn xamili meysid iyo haba bac diisee … waxaan kugu heyl heylayaa waa hoota bagaftii
Abdirashid dhinac wuu ka saxsanyay oo Abdirahman Ciro iyo Xisbiga Waddani dad fara badan bay sidiisaa sas ku rideen oo aad uuga fajacay siyaasada cusub ee Abdirahman iyo raxan siyaasiyiin ah oo Waddani ka midi ay ku hagayaan xisbiga. Qoraalada dadku soo qoraan si maan gaabku aannu aqoon baa loo qiimeeyaa oo waxa lagala soo dhex bixi karaa maqaalka Abdirashid Osman qoray in uu baqe weyn ka qabo xawliga uu ku socdo Xisbiga Waddani. Waxaan hubaa inay amakaag kugu reebtay sadex cisho ka hor markii 2,000 oo qof oo ka soo diga rogtay Xisbiga Kulmiye ay ku wada biireen Xisbiga Waddani. Galbeedna kolay waad la socotay sida looga soo dhaweeyey. Weliba sug dhawaan markay safar ku tagaan Bari. Waxa kuu cadaan waxaan aad ka qeylineyso oo ah in xisbiga Waddani yahay ka guuleysan doona doorashada soo socota. Qofna cid iskama aflagaadeeyo isagoo ujeedo gaara ka le mooyaane. Hadaba Horta A/rahman Ciro risiq aan siyaasad ka iman muu cunin ilaa maanta oo mudadu noqon karto labaatan sanadood in ka badan. Ciro wuxuu Councillor ka noqday dalkii waqtigaa aduunka uugu weynaa oo ahaa Russia waa hadii uu Abdirasheed garan karo in dad gaara loo xulo wadanada waa weyn. A/rahman wuxuu toban sanadood ahaa gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo nin siyaasi ruug cadaaya mooyaane cid kale mudo intaa leeg ma heyn karaan.

Ciro waa ninkaa salba-bakha kugu riday ee hankiisu siiyey in uu Musharax madaxweyne noqdo ee ha laguugu dhaarto hadii maanta doorasho xor ah oo xalaala la galo in aan xisbi u soo dhawaan lahaa jireen waana loo wada jooga marka ay timaado iyo wacdaraha Waddani dhigo. Ogow oo marnaba lamaan yaabin qoraal kaad soo dhigtay oo waxaan si fiican uuga dheregsanay in ay kuu muuqato in A/rahman Ciro yahay madaxweynaha Mustaq balka. Dabeed waxaad wadaa waa xaasid nimo aad ka xuntay in xisbiga adigu aad taageertaa aannu Ciro isku dhererin karin. Abdirashid waxaan leeyey Ciro waa ninkaa Kursiga dalka uugu sareeya higsanaya adna Dubai baad sheegatay inaad joogto oo wuxuun baan kaa soo qaadayaa in aanad wadan carbeedna wax ka ahayn Somaliland na aanad waxba ka ahayn ee aad niyada uun ka taageerto xisbi aan Waddani ahayn oo aad u baqayso.

Nimanka aad magacyadooda soo qortay hortaa baa laga qeyliyey oo maaha niman cidi is hor taagi karto haday siyaasad tahay iyo haday aftahan nimo tahay iyo haday raga nimo tahay. Waa nimankaa aad taqaan een iyagu ku aqoon oo intaasaaba kaaga filan. Abdirashid Qoraal kaaga waxa aad uuga muuqda in aad tahay dey-dey aan sharixi karin wuxuu u jeedo. Hadaad is leeday cid dhaleecee waxa lagu sheegaa wax lagaa siisan karo. Hadaad cidla der-derto waxa cadaanaysa in aanad ahayn qof habeen jiray ama guri wanaagsan ka yimi ama aan fursad u helin in uu wax barto.

Wax dhaliil laakiin wax ka cuntama keen. Ama ka nax ama ha ka nixin Abdirahman Ciro waa madaxweynaha mustaqbalka Somaliland na awood siyaasadeed buu u leeyey in uu isku soo celiyo weliba sirta ictiraafka lagu helana waa siyaasiga keliya ee garanaya halkay taal. Hadaba aan ku caawiyo ileyn caqli iyo cilmi toona ma lihid ee markaad cid wax ka sheegeyso keen cid aad u qiyaaseyso taasaa macno samayneysa e. However, Do not wash your laundry in public again. If at all you can not resist of writting again, I would urge you to make sense so people will understand the point you are getting at other wise shut the hell up.

Abdi Mustafe 

abdi_mustafe123@yahoo.ca