Ka bogo dhaqamada foosha xun iyo Musuq-maasuqa isku milmay ee maaxdumiyey Xukuumada Siilaanyo.qalinkii A/rahman fidhinle

maqaal
JSL waa degel shacabweynaha reer Somaliland kawa dhaxeeya oo ubaahnaa in anfaciisa, iidaankiisa, agabkiisa,  taladiisaba iyo tawstiisaba la wadaago,loo sinaado oo lawada lahaado si loo wada ilaashado, laakiin nasiib daro taasi maydhicin oo waxay xukuumadii Siilaanyo ku caanbaxdey, cadaalad daro, xaq soor la’aan iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey oo xadhkihii goostey kaas oo hada Xukuumadii ku noqdey mudh iyo ceeb, laf jab, karaamo la’aan , karti la’aan iyo weji gabax hagoogan, Muwaadin bal nala wadaaga fadeexadahan  hoose:
1-  Muwaadinow ma isweydiisey horta deeqaha lacageed ee JSL loogu deeqaa xagay inoo soo maraan ? ilo wadareedyo looga qaateen ah oo udhuundaloola arintan waxay xaqiijiyeen in Deeqaha lacageed ee wadanka lagu caawiyo oo aan ka aheyn inta yar ee ku soo dhacda sanduuqa xisaabta ee ( Somaliland Trust fund ) ay inta kale toos ugu dhacdo xeyndaabka madaxtooyada iyada oo u soo mareysa xawaaladaha ilma jini boqor oo aan iyagu laheyn xalibnaan, xisaabtan  iyo xisaab celin midna maadaama ay ku milmeen  kooxda yar ee xukunka maroorsadey ee dhereg dhaaftey oo aan iyagu marnaba dantooda mooyaane aan daryeel kale aqoon.
2- Waxaa iyana xukuumada shidhka u fadhiistey oo suunka uxidhay dhurdeyaal macaan jecel ah, daneysteyaal, iyo muraadleyaal dan la orod ah kuwaas oo ka minguurey caqligii saliimka ahaa ee himiladiisu ahaa maamul-wanaag iyo danta guud oo la dhawro oo laga hormariyo danta gaarka ah ,laakiin iyagu doorbidey dano gaar ah oo lagu boobaayo hantidii yareyd ee dan yarta loo madhxin lahaa ee shaqo loogu abuuri lahaa.
3- Waxaa iyana dhaqan xumo uguba ah in qaar ka mid ah masuuliyiintii xukuumadu ay u xuub siibteen dilaaliin iyaga oo ku lingaxan dulugleyaal degel meero iyo deris ku nool ah oo ay gacanwaag togan leeyihiin, ku waas oo markii horeba  isaga dab qaadi jirey  degeladii qoyanaa ee cosobka lahaa ee dalka oo ay hore uxaalufiyeen ayaa hadana  waxay ubiyeysteen oo udigo rogteen in  ay iyadana ooda u sii rogaan  Dekedii Berbera si ay  dilaal kuusan uga qaataan, waxaa aqoonyahanka JSL ee fogaan araga ahi ay isku raaceen in ay beryahanba  kooxdani ay Faal iyo Foox badan la dul taagnaayeen siyaabihii ay arintani ugu suuro geli laheyd iyaga oo kolba dulkeenaayey, Shirkado Carbeed iyo qaar Fransiis ah oo uu Eitopian dabada ka sii wado si ay dhamdhamooyinkaa  ay dheecaan badan usiistaan.
Iyada oo maanta baahiyo badan oo isbarkani ay dalka ka jiraan oo da’yartii wadanka shaqo la’aani ragaadisey oo ay  badaha isku gurayaan  ayaa hadana Hantidii yareyd ee wadanka si axmaqnimo iyo arxandaro ah  loogu takri falayaa oo loo lunsanayaa kuy’e :
4- Lacagta 2% ee gobolada bariga loo qoondeeyey meesha ay marto iyo waxa lagu qabto lama yaqaan
5- lacagta $11ee laga qaado foosto kasta oo ka baxsan dakhliga Haamaha Shidaalka Berbera oo toos loo lunsado
6- Lacaga  $ 10 ah ee laga qaado dadka Airporka Hargeisa ka dhoofa oo si gaar ah loo lunsado
7- Lacagta ama  dakhliga dekeda berbera oo toos madaxtooyada u gasha
8- Lacagta deeqaha ah ee loo qoondeeyey hayada Somaliland Road Authority (SRA) oo aan xaliibneyn
9- Lacagta ama dakhliga ka soo xerooda dhulka iyo daaraha shacabka ee danta guud ahaa oo toos loo lunsado
10- Lacagaha shirkadaha shidaalku ay Licenka ku iibsadaan sida shirkada Genel Energey, DNO,iyo RAAS gas LLC.
11- Lacagaha xaqul qalinka ah ee laga qaadey dhamaan shirkadaha shidaalka sahamindoona sida Asante oil, Orpin energy, Sterling Energy, Jack Resourses, East African group, Genel Energy, DNO internation, Asdan nikifi iyo Petro Soma oo aan laga ansixin Baarlamaankii lana garaneyn meesha lacagtaasi marto.Waxaa xaraan ah in koox yari sife sharciga wadanka baalmarsan ay hantidii ummada ku lunsadaan,kuboobaan kuna takri falaan.
    Waxaan idiinku soo garoocayaa
 
 – Weli dawliskii qarankeenu diri buu ku sii dhacayaa
 – Weli dhurwaagii hasheena cunaa dhaanto loo tumayaa
– Weli dadweyne dadaalayaa dabino loo dhigayaa
– Weli daahir yaa shamisbaa duunyo loo dhacayaa
– Weliba daalin, diir & daani baa loo dabaaldegayaa
– Weliba doorashadii iyo diiwaangelintiina daaha loo sii xidhayaa
– Weli Qandaraasyadii qarankaa qusum iyo qoon lagu qaybsanayaa
– Weli boobkii iyo biliqeysigii hantidaa lays  qulaaminayaa
– Weli habqan & habaqleysigii baa la hormoqamaaminayaa 
– Weliba wanjalaadii iyo weji-gabaxii baa la isku weeteynayaa .
             ———–Dhamaad———————-
Alleh ayaa mahad leh
Waa-lahum-Aclam Waa-bilaahi Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scw)
Qalinkii A/rahman fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED-BD-PA
United Kingdom
London