Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo buuq iyo sawaxan ku dhamaaday iyo Guddoonka oo shirka xidhay.

timthumb

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa furay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya xilli ay buuqayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu isku dayay inuu dajiyo Xildhibaanada buuqa sameeyay.

Jawaari ayaa fadhiga markii uu furay durba wuxuu ku dhawaaqay in fadhiga uu xiran yahay, maadaama aysan suuragal aheyn iyadoo ay buuqayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in fadhiga uu socdo oo shirka sidaasi lagu wado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu furay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada inay isdajiyaan oo buuqa ay joojiyaan, hayeeshe ay ka dhaga adeegeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Fadhiga Baarlamaanka waa inoo xiran yahay ilaa amar dambe Xildhibaanayaal”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka soo xiray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Xildhibaanada maanta ku dhaqaaqay tallaabada buuqa iyo foodada ee xarunta Golaha shacabka ay ka sameeyeen.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa laga siidaayay codadka Xildhibaanada oo buuqaya, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo kala duwan oo Mooshinka ay ku diidanaayeen, waa Xildhibaanada Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan.

Waxaa hirgalay qorshihii ay lahaayeen Xildhibaanada diidan in mooshinka la geeyo xarunta Golaha shacabka ee Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan kuwaasi oo maalmo kahor ku hanjabay in Xarunta Golaha shacabka hadii la geeyo mooshinkaasi ay sameyn doonaan buuq iyo sawaxan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo kala dareeray fadhiga la xiray ee Baarlamaanka, halka Xildhibaanada Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan ay isugu marxabeynayeen in qorshahooda buuqa ah uu guuleystay.

Lama garanaayo tallaabada uu qaadi doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Xildhibaanada ku buuqay xarunta Golaha shacabka.

Salanmedia/Moqdisho