“..Kuma Qanacsanin Eedaynta, Xilka Xayuubinta, Iyo Shirqoolka Xukuumadaadu u Maleegayso Guddoomiyaha Golaha Wakiillada..” Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis

image

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa u diray Madaxweyne Siilaanyo farriin culus oo uu ku xasuusinayo Dhitadii laga dhaxlay fidnadii ka dhalatay weedhaha iyo hadalladdii xanafta badnaa ee ahaa ‘la isu-joojin maayo’ ee 1994-kii dalka ka dhacay iyo isku day kasta oo ujeeddadiisu tahay is muquunin, sidoo kalena waxa taa bedelkeeda uu xusay in noocaas ah intii muddadaa ka dambeysay Qaranka Somaliland kaga soo gudbay wada-hadal iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada-xaajood.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Magaalada Hargeysa kasoo saaray Magaalada Hargeysa qoraal uu Sumad uga dhigay “..Warqad Furan oo ku Socota Madaxweyne Siilaanyo..”, ujeeddaduna salka ku haysay Shirqool lagu soo falkiyey Qasriga Madaxtooyada oo salka ku haya afduubka Golaha Wakiilada iyo xilka qaadista Guddoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro), waxa kale oo Suldaanku ku goodiyey in haba-yaraatee aanu suurtogeli doonin in Kuraasta Qarankan looga taliyo ay noqdaan kuwo kala meeqaam iyo miisaan sareeya, sidaa awgeed-na Kursiga

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Cirro aanu ka meeqaam hoosaysanayn kuwii Shalay wixii la ogaa Madaxtooyadu u samaysay. Hase-yeeshee haddii Madaxweynuhu arrinkaa iska indho-tiro, waxa Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani fal-celinta arrinkan wixii khasaare ah ee ka dhasha dusha u saaray Masuuliyadeeda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Saleebaan Gaal.
Qoraalka Suldaan Maxamed oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan;
“Mudane Madaxweyne Salaan kadib waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa waraaq furan oo xambaarsan fariin aan u aragnay inay lagama-maarmaan tahay in aanu kula socodsiino ama ay kusoo gaadho, taasoo ku saabsan Shir-qoolka Maalinta Sabtida toddobaadka dambe laga wado Golaha Wakiillada.
1. Mudane Madaxweyne waxanu halkan kusoo gaadhnay wada-hadal iyo in wixii khilaaf ah ee ina dhex yimaada lagu dhameeyo wada-xaajood, inagoo xasuusan wixii ka dhacay markii la isku dayey in la is muquuniyo iyo la isu-joojin maayo.
2. Mudane Madaxweyne Maanta meesha aynu maraynaa maaha meel u baahan dib-u-socod ee meel u baahan horu-socod, waxaanu ku xasuusinaynaa khilaafkii ka dhashay Baarlamaanka wuxuu ka bilaabmay laba Kursi oo hoos loo dhigay halkuu gaadhayna waad ogeyd iyo halistii uu ina geliyey, iyo weliba doorkii Xukuumaddu ay ku lahayd. Waxaan kale oo ku xasuusinayaa xalkii Guurtidu kusoo af-jartay khilaafkii Golaha Wakiilada.
3. Mudane Madaxweyne waxaanu nahay hoggaan dhaqameed Masuuliyiin ah oo aanay ka qarsoonayn waxa dalka ka soconaya, waxana noo muuqata doorka Xukuumaddu ku leedahay khilaafkan Maanta ka taagan Golaha Wakiilada, waxana aanu leenahay Kursiga Cirro kama fududaan doono kamana hawl yaraan doono labadii Kursi ee hoos loo dhigay ee waxaad og-tahay ka dhici gaadheen.
4. Mudane Madaxweyne waxaanu ku xasuusinaynaa in labada Kursi ee dalka ugu sareeya ka Madaxtooyada ka Golaha Guurtidu ay yihiin labada Kursi ee leh go’aanka kama dambeysta ah ee dalka, arrintan Maanta taagana xumaan iyo wanaag wixii kasoo baxa loo raaci doono
5. Mudane Madaxweyne marnaba annagu kuma qanacsanin eedaynta, xilka xayuubinta, iyo Shir-qoolka ay Xukuumadaadu u maleegayso Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), haddii aan la naga qancin oo lagu qaado tallaabo lagu waxyeelanayso {Guddoomiye Cirro} wixii halkaa ka dhasha waxa masuuliyadeeda qaadan doona Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guurtida.
6. Mudane Madaxweyne haddii Guddoomiye Cirro caqabad ku yahay muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadaada iyo habsami-u-socodkii hawlaha Xukuumada waxaanu ku talinaynaa in si hufan oo aan turxaan lahayn oo wada-hadlo, loona dhamaystiro
Mudane Madaxweyne muddadii aad xilka haysay waxaad muujisay dedaal iyo wax-qabad dheeraad ah, gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo horumarka dhaqaalaha, Maantana waxaa lagaa filayaa dedaal intii hore ka badan oo lagu gaadho xal waara..”.
Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka Gobolka Togdheer, ayaa ka digay muddo-kordhin loo soo sameeyo Maamulka talada haya iyo farogelinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Golaha Wakiilada, kadib markii ay Shalay Shir ku yeesheen Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid keligii talisnimo ah oo dhaawacaysa nidaamka iyo kala dambeynta haykalka Dawlad-nimo ee dalka dhaawacayso xasiloonida iyo kala dambeynta siyaasadda iyo nabad-gelyada.
Madax-dhaqameedkani sidoo kale waxay Shirkaas kasoo saareen baaq ay cambaareynayaan arrimo ay ka mid yihiin awood marroorsi Xukuumaddu ku samaynayso tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa dhismaha Qaranka Somaliland iyo Ciidamo Shalay la wareegay Xarunta Golaha Wakiilada.
suldaan-cismaan
Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani