Kuwait Oo Bixinaysa Mashaariic Cusub Oo Laga Hirgalinayo Somaliland Hargeysa & Berbera Keliya

calanka

Nov 25, 2014 Hargeysa (SM) – Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa doraad safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Kuwait, halkaas oo Boqorka Dalkaasi kulamo kula yeelan doono.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Boqortooyadda Dalkaasi u gudbinaya xisaab xidhada mashaariicda Dawladda Kuwait ku dhistay Madaaradda Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo lagu maal-geliyey shan iyo toban milyan oo Doolar oo ay Dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland.

Maal-gelinta Dawladda Kuwait ku bixisay Madaaradda Somaliland oo ah mashaariicda ugu muhiimsan ee ay Adduunku Somaliland galiyeen ayaa gabagabo maraya, waxaanu safarka wasiirka ee xilligani u muuqdaa mid leh dhawr waji oo ay labada Dal kaga arrinsanayaan sidii loo heli lahaa mashaariic kale oo laga fuliyo Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa lagu wadaa in uu Boqorka hor dhigo xisaab celinta lacagtii hore isagoo sida la sheegay ka dalban doona kuwo hor leh, waxaana lagu wadaa in Boqorka ama wefti sare oo dalkaas ka socdaa Dalka u yimaadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen munaasibado balaaadhan oo si rasmi ah loogu furi doono dhismayaasha laga hirgaliyey labada Madaar ee Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo qabsoomi doona sanadka cusub.

Wiilka uu dhalay Boqorka Dalka Kuwait ayaa degan magaaladda Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxaanu ku leeyahay Qasri balaadhan, waxaanu ka qayb qaataa mashaariicda laga sameeyo gobolkaasi.

Wasiirka Duulista waxa safarka uu ku joogo Dalka Kuwait kuy wehelinaya Agaasimaha waaxda Mashaariicda ee wasaaradda Duulista Muuse Ibraahim Salaf.

Salaanmedia/ Hargeysa