La Taliyaha Wasaaradda Xannanada Xoolaha Ee Somaliland Mudane Cabdi Bidhaan Oo Faahfaahiyay Seeraha Ay Xukuumaddu Ku Hawlantahay In Ay Ka Fuliso Deegannada Arroori Iyo Qoolcaday .

image

Taliyaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxman Bidhaah Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay seeraha ay xukuumaddu ku hawlantahay ee ay ka fulinayso Deegannada Banka Qoolcaday Iyo Banka Aroorri .

 

La taliyaha wasarada xannada xoolaha cabdi bidhaan oo ugu horeen faahfaahinaya seerahana ayaa yidhi “ seerayaashani horta waa seerayaal soo jireen ah waa seerihi Aroorri iyo Qoolcaday illa dawladii hore Somalia ee siyaad barre way jireen markaa dawladda somaliland ee hadda ayaa rabtaa in ay mashaariic ka fuliso seerayaashan ayaa waxaa maalgalinayaa sanduuqa horumarinta somaliland waxaana loogu talo galay in looga faa’ideeyo dadka xoola dhaqatada ah wakhtiyada abaarta ah iyadoo halkaa laga heli doono biyo joogto ah iyo adeeg caafimaad oo joogto ah wakhtiga jilaalkana ay xooluhu calaf ka heli doonaan “

Sidoo kale La Taliyaha ayaa ka waramay ballaca dhulkan iyo qorshaha xukuumadda waxaanu yidhi

“ Dhulka labada ban ku yaallaan Aroori iyo Qoolcaday waa dhul aad u balaadhan laakin dawladda Somaliland waxay rabtaa in la sameeyo in ku dhaw boqolkiiba soddon %30 . marka banka oo dhan lama xidhayo waxaa la xidhayaa qeyb yar oo ka mida boqolkiba todobaatanku sidiisa ayuu iska ahaanaya boqolkiiba soddon ayunbaa la xidhayaa oo labaa loo qaybinayaa qeyb la wada xidho oo mar walba xidhan iyo qeyb la furo wakhtiga jilaalka wakhtiga gu’gana loo xidho dadka deegaanka deggen oo loogu talo galay in ay ka helaan daaqsimo iyadoo immika lagu soo kordhin doono hab casri ah oo ah in laga sameeyo ceelal biyo ah iyo in laga sameeyo xarumo joogto ah oo caafimaadka ah “

Salaanmedia/Hargaysa