labada mooshin ee kala yaala labada baarlamaan ee muqdisho iyo hargeysa oo caqabad ku ah geedisocodka dowladnimo ee labada dal!,

labada mooshin ee kala yaala labada baarlamaan ee muqdisho iyo hargeysa oo caqabad ku ah geedisocodka dowladnimo ee labada dal!,
 

maqaal
tan iyo markii ay soo dhawaatay mudo xileedkii loo doortay xukuumada siilaanyo ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay xukuumada siilaanyo sidii ay u fashilin lahayd in bisha Jun 2015 ka ay dalka doorasho ka dhacdo si ay kusiga ugu sii fadhido sife xaaraan ah oo aan shuruucda dalka waafaqsanayn!,
 
Somaliland laba shay bay aduunka ka iibin jirtay si ay u xaqiijiso himiladeeda taa oo ay ugu weyntahay sidii ay caalmaka uga heli lahayd aqoonsi caalamiya  labadaas shay oo kala ah 1- dal nabad ah (nabad gelyo) 2- iyo doorshooyin ku dhisan hab dimuqraadi ah iyo asxaab kuraasta u tartanta (one man one vote) waxaanay hada u muuqataa inay labadaas shey ay god dheer ku sii dhacayaan,
 
hadaad aragto dal xasiloon oo siyaasadiisu fadhido waa dal aanay awooda dalku cidgaari ku takrifalin oo qori iskudhiib ah kuna dhisan in marba cidii kursiga ku guulaysata si sharciya loogu wareejiyo hadii maalintii ina riyaale doorshada lagaga adkaaday uu diidilahaa inuu xukunka wareejiro Somaliland maanta halkaan majoogteen waxaanay calaamad u noqotay dhacdadaasi dhamaan dadyowga ku nool geeska afrika mudane daahir rayaale na waxay u siyaadisay sharaf aan lasoo koobi Karin ilaa ay gaadh siisay inay umadii wax katirsanaysay ay qalbiga ka saaxmado oo tidhaah wixii uu haleeyay waxaanu ku dhaafaynaa wuxuu ku bedelay!,
 
dalka hadii ay qaloocato siyaasadiisu waxa khatargala nabadgelyada dalka iyo xasiloonidiisa waana laba sheey oo isku xidhan umada waxa xidha xeer iyo dastuurkay qoratay kaas ayaa qof walba ka sareeya hadii qof jeebka gashado oo uu yidhaah waxaan ka dhigayaa lajoojiyaana banaan lajiifiyaana banaan ama sidaan doonaan ka yeelayaa oo wuxuu ii ahaanayaa dastuurku shaadh aniga ii tolan waxa dhaca khilaaf siyaasadeed kaasaana xumeeya nabada umadu haysato ee ay maanta weheshanayso waxay somalidu tidhaah maan rag waa mudacyo afkood oo layslama helo waabay ka ducaysataa somalidu oo waxay tidhaah daa ( ilaahayow maradayada mooyee yaanu maankayagu isdaarin!) waayo waxay ogyihiin hadii ismaandhaaf dhaco in taladu faraha ka baxayso kadibna amni xumo dhacayso,
 
xukuumada siilaanyo waxay taladii ku goosatay inay gudoomiyaha baarlamaanka mudane c/raxmaan ciro ka qaado gudoominta baarlamaanka iyada oo u maraysa sife kasta oo ay xilkaas kaga qaadayso xitaa hadii dalku uu ku burburaayo! waxaanay u aragtay xilkaqaadista c/raxamaan ciro inay ku xidhan tahay mudo kordhin loo sameeyo xukuumada waqtigeedu gabaabsiga yahay! waxaanay ka doorbiday xukuumada siilaanyo nabadgelyadii xasiloonidii iyo hanaankii doorasho ee ku dhisnaa dimuqraadiyada ee iyada lagu soo doortay  mudo kordhin ay kursiga si sharcidaro ah ku sii joogto!,
 
waxa xukuumada siilaanyo la mid ah xukuumada muqdisho ee uu hogaanka u yahay xasan sheikh taas oo iyana rabta inay raysal wasaare c/weli sheikh xilka ka qaado iyada oo baarlamaanka horkeentay mooshin ka dhan ah oo kalsoonida lagaga qaadayo waxaanay ka cararaysaa xukuumada xasan sheikh in 2016 ka ay meesha ka baxdo oo kursiga banayso, 
 
taasi si aanay u dhicin wuxuu tijaabiyay madaxweyne xasan sheikh inuu garsoorka dalka iyo maxkamada sare hoos keeno wasaarada garsoorka iyo dastuurka oo uu wasiir ka yahay faarax c/qaadir oo ah xirsiga muqdisho ama dhegta madaxweyne xasan sheikh wax ka maqalo! waxaanu rabaa madaxweyne xasan sheikh inuu dastuurka dalka la rabo inuu dhamaystirmo 2016 ka iyo doorshada dhicidoonta waqtigaas hadii lagaadho ay noqoto shaadh xasan sheikh u sii tolan oo uu hadhow gashado marka xiligaas lagaadho!,
 
khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhashay damaca waalan ee xasan sheikh haya wuxuu dalkii u horseeday qalalaase siyaasadeed oo khalkhal geliyay xasiloonidii dalka niyad jabna ku keenay beeshii caalmaka ee rabtay inay somaliya kasoo saaraan godkii dowlada la-aaneed ay 23 sano kahor ku dhacday! somalidu waxay tidhaah daa hunguri wax ka weyn oo lamariyaa wuu dilaacaa! labada oday ee muqdisho iyo hargeysa kala jooga damacoodu wuxuu ka qariyay dantii iyo maslaxadii guud ee labada qaran higsanaayeen waxaanay rabaan inay tooda ta qaran waliba leeyahay ka hormariyaan waana waxa Somali halkaas dhigay ee ka reebay inay wax la qaybsadaan mudaha aduunka ku nool,
 
guntii iyo gebabadii waxaan kula talin lahaa labadaas oday taladu tiina maaha waa tase ilaahay SWT ilaahayna wuu idinkula xisaabtamayaa masuuliyadaas laydiin dhiibay wixii ay keensato ee amni daro ah iyo dhibaato ama shar iyo khayr maalin aad intan ka liidataan buu idinkula xisaabtamayaa ee ilaahay SWT kaga baqa xilkaas umada ee uu idiin dhiibay (qof kastaa waa masuul waana lagula xisaabtamayaa masuuliyadii loo dhiibay maalinta qiyaame ayuu nebigu SCW yidhi).
 
aadan axmed nuur     Â