MAANSO GIIR FAQASH

3 / 11 / 2014

maanso

waxa  aan  salaama-yaa  warbaahinta

madaxa  bannaan

waa  maanso  la  yidha  GIIR  FAQASH

 

Ga,da  maanso  geeraar-kan-furan

Gabaygan  soo  hooran.

Runta  waa  mid  soo  goobayoo

Aan  gef  tirinay-ne.

Misna  garasho  lagu  soo  unkoo

gaarna  loo  xulaye.

.

Food  kii  la  galay  dhawr ka  jeer

Goolki  la  ciyaaray.

Gurxan  kiyo  intii  hadal  wacnayd

La  isku  guubaab-shay.

Ninba  geedka  maantuu  hadhsado

Ee  kursiga  gaadho.

Geddiisiyo  wixii  uu  ka  rabay

Soo  alaab  guraye.

.

Golaheenan  calan  kii  la  sudhay

Geeridaa  quruxsan.

Wixii  loo  goblamay  oo  ahayd

Sharaf  inaan  gaadhno.

Guga  kii  u  weynaa  haddana

Marayna  gaashaamo.

Daalacana  garawgii  ku  cunay

Guul  galkii  cadawga.

.

Garanaaya  diiftiyo  xanuun

Gubadadii  qaaxo.

Kanaa  guun  mujaahida  markii

Shacab-ku  uu  goostay.

Gelbis  kiyo  ciyaaraha  markii

Deyrka  lagu  geeyay.

Sidii bay  u gudhan  too  marnaba

Gaawa  loo  culine.

.

Ayadoo  gidaar  seexatoo

Maato  guri  haysan.

Naafada  faliidhadu  galeen

Cidi  ka  goyn  weyday

Gidigood-ba  wada  ciilan  yiin

Qiiro  kala  goysay

Gurmad  kii  udhiidhiyi  lahaa

Gaajo  hore  eegay.

Oo  tiisa  gaarka  ah  macaash

Kula  gantoob-naaday.

.

Waxba  yay  abaal  kooda  gudin

Loo  ahaan  gacale.

Laan-kuruuse  ganan iyo ku jiidh

Gaadiyaal  badane.

Giir  faqash  markay  yeelatee

Kibirku  goob  yaalay.

Wajaaliyo  gebiiley  ayaa

Gubay  astaan-tiiye.

.

Mar  hadduu  galbeed  kiina  kacay

Barina  uu  guu  xay.

Gadood  tahay  intoodii  dhexoo

Guluf  ku  meeraayo.

Giraantii  wareeg  too  mar  kale

Soo  hilaac  gugiye.

Go aankina  wuxuu  taagan  yahay

Saa,danbaad  garane.

 

( Waa  keene  iyo  kordhiy)