Maanso la magac baxday, Ayax baabuu noqday oo, Aroortuu inaga duulo,Eelku waa hadhayaa Alle ha ina badbaadsho….

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah iyo shacabka qiimaha leh ee reer soomaaliland ee asalaama calaykum waramatulaahi waabarakaatu.

Bacada salaan ku soo dhawaada Maasadan AYAX oo ka hadlaysa xusbiga Kulmiye wax yaabahuu la soo baxay iyo wax uu ku dambeeyey.

cabdiweli
Kulmiye waa aragtaanoo

Axdigaa dhigateen iyo

Oofin waa wacad kiiyoo

Aduunkaan higsanayniyo

Ummadii inaga reebyoo

Aafeeyey qaran kiiyoo

Afkan ay ku hadlaan iyo

Uur koodaan islahayn oo

Arinkii uu balan qaado

Aadyar buu ka baxaa

Abaal kuuma gudoo

Mar kii uu arad-naa

Awooduu ku dhaqaaqiyo

Kuwii siiyay aduunka

Asaasayaashiiba dilyoo

Oofahaa maqan qaare.

 

Hadii awr garba beelo

Ama uu dad cunnoobo

Aqal kaad ku raraysiyo

Ubad kuuma guree

Intaanu caruur-tiyo

Awrta kaa cunin baa

Dadyow la iska eryaa.

 

Aan asteeyo dhibtoo

Is dul taago warkoo

Iftiin weyn ku shidoo

Idiin soo bandhigee

Indha-hiina furoo

Kaalayoo ila eega

Amuuraa iyo yaabkan.

Dar la soo urur-shoo

Wasiir uu amray oo

Inta doolar la siiyo

Inkiraaya runtaadiyo

Eexna waan ku arkay.

Qaar asqooba markaad

Iinta dawlada sheegtiyo

Aarsina waan ku arkay.
Erdogan(1)baa nacasuumiyo

Ankaraan tegaynaa iyo

Ictiraaf baanu sidnaa iyo

Beenna waan ku arkay.

 

R R U, u adeegtiyo

Ardaydoo la tahriibsho

Oorididoo la xidhaayiyo

Odayaal la xabaadhiyo

Erayo aad u qaadh iyo

Ufna waan ku bartay.

 

Tiifii aafo ahoo=TV

Axsaabtii qarankii iyo

Madaxda aan usinayn oo

Abwaankii wax u sheegiyo

Saxaafadiiba arwaaxiyo

Af-hayeen dhacdhacaayiyo

Aflagaadana waan ku bartay.

 
Asadkii danta guud iyo

Aradkii oo la xaraashiyo

Dafiraadna waan ku arkay.
Shidaal baa urayoo

Oyal baan qodayaa iyo=OIL

Adyadna waa ku arkay.

Isku soo wada duub oo

Ayax baabuu noqdoo

Aroortuu inaga duulo

Eelku waa hadhayaaye

Alle ha ina badbaadsho.

 

ERDOGAN=waa rai’sal wasaaraha Turkiga
Waa bilaahi tawfiiq.

Cabdiwelli Cabdillaahi Yalas.