Maanta hadana waxa taagan Hargiesay anaa kaa hurdee laguma heysteen by Abdi Mustafe

MAQAAL
Halaq iyo abees kuma gam’een hadhacyadaadiiye ….. Silaanyo iyo Suleiman gaal
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye ….. RRU & OPU
Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye …… Silaanyo & Amina Weris & Xirsi
Markii Shicibku ku qancay in INQILAAB hubaysan lagula wareegay Golihii Wakiilada oo abaan duulaha yaasha ciidankuna yihiin Silaanyo iyo Suleiman gaal oo mudo korodhsi qasaba doonaya ayaa Shicibka reer Hargiesa na dhalinyaro iyo waayeel is maamuleen oo loo diyaar garoobay in la fashiliyo inqilaabkaa wadanka khal-khalka lagu gelinayo. Waxa durba la sheegayaa ciidanka la wareegay golihii wakiilada in uu yahay kii loogu tala galay shidaalka ee la diidanaa. Dhalinyaradu waxay durba sii calaamad sadeen aqalo la gubi doono oo ay ku jiraan rag guurtida ah iyo qaar wasiiro ah iyo qaar golaha wakiilada ka tirsan ba. Labadan odey oon caqli gudhay ku shaqeeya ayaa is tusay dhalan teed aan run noqon karin oo ay dalka ku xukumaan diktator nimo. Magalooyinka kale waxay ka balan qaadeen marka Hargiesa mudahahraadku ka bilaabmo in ay iyaguna bilaabaan. Moosin baa golaha la soo dhigayaa waa sheeko oo kol hadii la jebiyey go’aankii guurtidu hore u gaadhay ee ahaa in labada gudoomiye ku xigeen na halkoodii ha fadhiistaan Gudoomiyaha golahana yaan moosin lagu soo oogi karin inta wakiilada mudada uuga hadhay arinku wuxuu ku noqonayaa in ay la yimaadaan 55 cod oo aanay heli karayn. Markii guurtidu dhex gashay hoos baa loo dhigay oo waxa la yidhi waxa gudoomiyaha xilka lagaga xayuubin karaa 44 bal se haday jebiyeen balankii waa inay keenaan 55 cod oo aanay haysan. Dabeed waxay qaraar ku gaadheen in inqilaab rasmi ah iyo xoog golaha ciidan la wareego Sabtidana qasab xilka lagaga qaado Gudoomiyaha wakiilada. Hadaba wey hawl yartay in sidaa afka laga yidhaa ee ma sahlana in la suurto geliyaa. Xaalkii wuxuu isu bedelay in Shicibkii reer Somaliland oo ay hor kacayaan labada xisbi mucaarad iyo golaha madasha iyo dhalin yaradu ay mudaharaad aan xad lahayn Sabtida magaalo walba ka bilaabaan. Bal hadaba labadan odey ee caqliga gaboobay hayaa ha joojiyaan mowjadaha Sabtida ku bilaami doona. Mida kale Silaanyo iyo Suleiman gaal waxa cadaatay in aanay dalka iyo dadka toona dan ka lahayn iyaguna ay iska ciideynayaan. Weli laba oday oo ka caqli xun ifka laguma arag. Labadooduna isma jecla cid kalena hadal keedaba daa.
Digniin Ciidanka ku gaaf wareegsan golaha wakiilada haday caqli leeyiin waxay raaci doonaan shicibka xaq u dirir ka ah hadii kale oo ay xabad ridaan iyagana waa la layn doonaa.
Guurti baa wax dhex-dhexaadinaysana ha inaga hadho. Doofaarkii uugu weynaa ayaaba dalka burburinaya.
abdi_mustafe123@yahoo.ca