Madaxtooyada oo si dagaal dalka uuga dhaco moosin soo dhigeysa Sabtida markay arkeen tirada taageerayaasha Waddani by Abdi Mustafe

maqaal

Si dagaal u dhaco madaxtooyadu waxay doonaysaa inay soo dhigto sabtida moosin Gudoomiyaha Golaha wakiilada xilka lagaga qaadayo. kooxda Abdirahman Ciro Taageersanina waxa u diyaara in ay moosin Madaxweynaha caafimaad daro iyo xil gudasha la’an xilka lagaga xayuubinayo.
Shicibku ma yeeli doono in madaxtooyadu si ay mudada u kordhisato ku meereysato moosino aan meesha ool. Madaxtooyadu waxay uugu hanjabtay wasiirada oo dhan wasiirkii ka adkaan waaya xildhibaan kiisa in shaqada laga eryayyo. Taa macnaheedu waxa weeye in madaxtooyadu is mooday in ay arsaaqda heyso. Wasiiro fara badan baa ka cadhoodey arinkaa oo kashifay iyagoo ka cadheysan hadalo qalafsan oo ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiir Xirsi oo u muuqday qaar le risiqiina ayaannu jaraynaa hadaa hawshan qaban weydaan.

Wasiiradaa ayaa la filayaa in ay qaar kood dhawaan ku biiraan xisbiga Waddani.
Madaxtooyadii shir bay ku khafiiftay ay isla meel dhigo kari waayeen sidii Gudoomiyaha golaha wakiilada xilka looga qaadi lahaa iyagoo ogsoon kana cabsi qaba haday arinkaa ku dhaqaaqaan in la soo dhigayo moosin Silaanyo xil gudasha waa lagaga xayuubin doono xilka. Abdirahman Ciro hore ayaa looga heshiiyey in aan xilka laga qaadi karin inta mudada ka hadhay oo meel loo soo maro la heli maayo. Hase yeeshee madaxtooyada oo sas weyn ka qaaday taageera yaasha xisbiga Waddani ayaa laga yaabaa inay indho la’an ku soo dhigeen iyadoo uu dabada ka riixayo Gudoomiye ku xigeenka kowaad Baashe oo doonaya sidii uu Somaliland qas uuga ridi lahaa. Baashe marnaba daacad kama aha gooni isutaaga Somaliland oo waa xaqiiq midh kaasi. Rucdi baa kora hadii ruux Buuhoodle ama Taleex ka soo galo oo wuxuu ka baqaa in isaga lagu bedelo. Baashe oo Somaliland sii jooga inta uu Golaha wakiilada ku jira uun oo ka caga taagi doona Xamar oo uu basaas weyn u ahaan jiray Ahmed Suleiman Dafle ayaa maanatana dabada ka riixaya sidii Somaliland dagaal sokeeye uuga bilaabmi lahaa. Moosin la soo dhigo waxa uugu hawl yar mid Silaanyo kursiga lagaga tuurayo oo waxa la cadeyn karayaa in aan madaxweynuhu maskaxiyan caafimaad qabin.

Abdi_Mustafe123@yahoo.com