Madaxweynaha Iyo Qoyskiisu Ixtiraam Ayey Kaa Mudan yihiin Cali Gurayoow

By: Jaamac Cali AbokorCali Guray

caligurey.jpg

Waxaan doonayaa inaan jawaab ka bixiyo maqaal ku qornaa wargeyska Geeska Africa cadadkiisii 2109 aad maalintii khamiista oo bisha 6-11-2014. Kaas oo ciwaankiisu ahaa “Madaxweynaha way ka go’an tahay iney doorshadu dhacdo balse dadka ku xeeran ayaa go’aaanka leh.” oo uu qoray Cali Guray.

Waxaan u sheegayaa Cali Gurayoow hadalkaas aad tidhi madaxweynaha dadka ku xeeran ayaa go’aanku ka go’aa hadal masuul maaha, madaxweynaha ayaa ummadu dooratay isagaanna lagu ogyahay tallada dalka sharafna waa kaa mudan yahay haddii aanad is yeel yeelayn waad taqaaney wuxuu galo iyo wuxuu gudo waadna u tegi jirtay waadna u tegi kartaa. Intaas haddii aan ku dhaafo ta madaxweynaha waxaad kale oo aad eed dusha ka saartey ninka la yidhaahdo Baashe Cawil Cumar oo aad tidhi maxakamad ayaa la horkeenayaa shandado ayuu lacag ku qaadaa’xoolaha ummaduu gurtaa’ horta malaa waanad dhaadine oo waanad hubsane Baashe xilna u mahayo qaranka xoolo qarana baadi u’maha xididinimose goortey ceeb noqotay adigaa noo sheegi.

Waxaase cad in Baasha ka tirsan yahay qoyska madaxtooyada waana arrin caalami ah madaxweyne yaasha oo dhan ubadkoodu waxay leeyihiiin maamuuska madaxweynaha qasriga ayeyna ka midyihiin, Baashe malaa aqoon baanad u’lahayne waxa dhalay Cawil Xaaji Cumar iyo Kinsi Caydiid Laf-canbe oo bulshada reer Somaliland oo dhan wada taqaaan, waa qoys muxtarim ah, isaguna waa aqoon yahan da’yar inantana waa is caashaqeen caruurtiisuna jaamacadaha ayey ku jirtaa.

Caliyow adiga iyo in kula Ehel ah waxaad caadaysateen cayda iyo aflagaadada qaawan ee aad kula kacaysaan Baashe iyo qoyskiiisa dil baad ku kaftmaysaan anigoo ah Baashe inaadeerkii waxaan kuu sheegayaa golle ayeynu isla tegaynaa mid dhaqan mid sharci ama sidaad wax u wado ee aan sharafta lahayn baanu kuula wadi doonaa cadii ku qaban lahaydna war-gasho.