Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Hogaanka Ururka Waddaniga Ah Ee SODRA Iyo Hal Abuurradi Da’yarta Ahayd Ee Ka Qayb Galay Tartan Suugaaneedkii Wacyigalinta Tahriibta + Sawiro

imageaysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hogaanka ururka sodra iyo halbuurradii ka qeyb galay Tartan Suugaaneedkii Wacyigalinta Tahriibta .

 

Kulankan dhex maray madaxweynaha iyo hogaanka ururka SODRA iyo hal abuurradan ayaa ku furmay jawi farxadeed iyadoo madaxweynuhuna farxadda la wadaagay hal abuurradaasi oo dadaal xoogan ka galay sidiia ay da’yarta reer Somaliland uga wacyigalin lahaayeen tahriibka oo noqotay immika masiibo qaran .

Madaxweynaha ayaa u mahad naqay si qalbi furanna ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa waxaa iyaguna dareenkooda ka hadlay gudoomiyaha ururka SODRA Axmed Shaqalle Iyo Ku Xigeenkiisa Nadra Yuusuf Cumar waxaanay tilmaamay in aad ugu faraxsanyihin sharafna u taxay in uu madaxweynaha qaranku qaabilo waxaa iyana halkasi ka hadlay qaar ka mida hal abuurrada oo ay ka mid ahaayeen . Abwaan Deeqa Nuux Yoonis . Abwaan Farxaan . iyo Abwaan Yaxye Yeebaash oo dhamantood si isku mid ah madaxweynaha uga mahadnaqay sida quruxda badan ee uu u qaabilay waxaanay carrabka ku dhufteen in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan madaxweynaha qaranka .

Gabogabadii kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday jawwi qurxoon oo farxadi ku dheehantahay iyadoo wasiirka madxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan uu hadhimo sharafeed u sameeyay hal abuurradaasi .

Salaanmedia/Hargaysa