“Markii Adiga Oo Kale Iyo Sabiyada Noocagaa Ah, Markii Madax Looga Dhigay Ayay Dawladiiba Ka Soo Horjeestee​n Reer Gabiley” Xildhibaan Cabdiraxma​an Xoog

XOOG
Hargeysa-(SM):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilaa Somaliland ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Waxa uu si kulul ugu jawaabay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine, Xildhibaanka oo daba socday Hadal ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine ayaa waxa uu yidhi isagoo arinkaasi ka hadlaya ” Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Inanka Yar ee la yidhaa Mustafe Shiine ee yidhi Cabdiraxmaan Xoog iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaan u jawaabayaa oo anagaa isku Beel ah,Waar adeer anagu Beelnimo uma jawaabno,Xisbinimo ayaan u jawaabnaa, Xisbigii Udub baan ahaa, Ninkii Madaxweynaha ka ahaa ee Daahir Riyaale Kaahin,
Madaxweynihii ka tagay Dardaarka dhaxalgalka ah, Dal iyo Dad is haysta, ayaan kaaga tagay Ninkii bixiyay,Anigu Xisbigaa ayaan Taageerayay ilaa maalintii la aasaasay, Daahir Riyaale Kaahin, isku Gobolna kamaanu soo jeedin, Bariga Hargeysa, Koonfurta Hargeysa, Sabawanaag, Cadaadley, Oodweyne, Burco, Ceerigaabo,Berbera, wuxuu ka soo jeeday Gobolka Awdal, Mustafe Shiine wuuxu yidhi labadaa Masuul baanu isku reer nahayoo u jawaabayaa, waxaan leeyahay, Markii Talada Habar Saaray ah iyo Sabiyo loo dhiibay, ayaa Seercadaa iyo Nin Rag ahi Sibir dhaqaaqeen, waxaan leeyahay Ilaahay iyo Cambaro Madaw Kala War la’aa.”
Xildhibaan Xoog ayaa isagoo markale la hadlay Badhasaabka Goboka Gabiley wuxuu yidhi “Reer Gabiley wuxuu ula tagay Hebel baan Casuumayaa, Heblaayo ayaan Casuumayaa, Samertime-ka Kaalaya, Samertime baan Tegayaa, waar Dadkan Reer Gabiley waa Dad kaa horeeyaan, waxa weeyi waxaas oo kale, waa waxa ay ku diideen markii adiga oo kale iyo Sabiyada Noocagaa,
Madax looga dhigay  ayay Dawladiiba ka soo horjeesteen, Waar Xumadaay hadaad wax garanaysaan, Dad wax garanaya meelahaa u dirta oo, Ninkaa ku hadlaya Labada Xildhibaan ee Gaamuray ee Siyaasiyiinta ah, ee Hogaamiyayaasha Xisbi ah, ayaan Reernimo ugu jawaabayaa ma ninkaas baan Ilaah baan idinku dhaarshee wax maamuli kara, oo aad wax u dhiibanaysaan, Reer Gabiley isagaa idinku diray, waxay diideen waxa weeyi waa Mustafe Shiine, Mustafe Shiine ka soo qabta meeshoo, Anaga noomana jawaabi karo, Cilmi iy Da’a iyo Waayo aragnimona midna noogu ma jawaabi karo, Reernimadiisana ha haysto.”
Salaanmedia/Hargaysa