Maxaa ka Jira in Guriga Mulkiilaha HCTV Oo La Weeraray Iyo Sababaha Keenay.

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nov 08,2014 Hargeysa(SM)-Saaka Arooryadii hore xillli goor sheegtu ku beegnayd lixdii ayaa ciidamo ku waabeeristeen guriga uu ka deganaa magaalada Hargeysa Mulkiilaha HORN-CABLE TV (HCTV) Farxaan X.Cali Axmed

Todobaadkii ina dhaafay badhtamihiisii ayaa xukumada Siilanyo baahisey Qoraal ka soo baxay wasaarada hawlaha Guud oo Farxaan iyo Sagaal Ruux oo kale oo Ganacsadayaal u badan ku wargelisay inay muddo todoba cisho kaga guuraan,kuna baneeyaan guryahay deganayeen oo ah Hanti Shacab markii ay ka baaqsadeen ama ka maageen inay ka iibsadaan siday qoraalkooda ku xuseen.
Mulkiilaha HCTV Farxan Xaaji Cali ayaa sida xoggo Qarannews heshay tibaxayaan dalka debeda kaga maqnaa hase yeeshee Soo gaabiyey Safar uu ku joogay dalka Koonfur Africa oo uu kaga qeyb galay carwo Ganacsi.
Farxaan oo sida xogguhu sheegayaan ku soo laabtay Hargeysa shalay, ayaa isla shalay galaba ka guuray oo baneeyay guriga uu deganaa oo Dawladu leedahay inkastoo uu geliyey lacag Tacab iyo adduun badan, dib dhis buuxana ku sameeyay.
Farxaan ayaa sida dad xogogaal ahi noo sheegeen si maamus leh u wareejiyey Gurigaa inkastoo geesta kalena xukumada Siilanyo waddo bixinta iyo iibinta Guryaha Dawlada.Todobaad ka hor ayuunabay ahayd markii Xukumada Siilanyo siisey Ganacsade Kayse Cabdi Shaybe oo ay madaxweyne Siilanyo xigto yihiin dhul Hanit-qaran oo ka soo horjeeda Jaamacada Abaarso Tech halkaas oo uu ka bineeyay ama ka jeexay dhismaha Macrad weyn oo baabuurta lagu iibiyo.
Geesta kalena ma jiraan ilaa hadda wax ciidamo ah oo la duldhigay ama loo diray Guryihii kale ee xukumadu Baahisey in muddo todobaad ah lagaga baxo inkastoo la sheegay inay qaarkood lacag shubeen oo guryaha iibsadeen.
Isku soo wada duuboo waxaa hawl-wadeeno ka tirsan Xukumada Siilanyo iyo dad badan oo xogogaal u ah dhacdadani u xaqiijiyeen Qarannews in xukumada Siilanyo qoraaladan iyo amarada baneynta guryaha daaranayeen ama beegsanaysay Mulkiilaha HCTV oo si sharaf iyo kalsooni leh u wareejiyey guriga .Xukumada siilanyo ayaa ku fashilantay Barnaamij madhalays noqday oo ay doonaysay inay ku qanciso mulkiilaha HCTV inuu heshiis la galo xukumada, una xagliyo oo aanu baahin wararka Axsaabta mucaaradka,qodqodina Dhaliilahooda musumaasuq ,isaga laftiisuna ka badheedhay oo uu muujiyey dhexdhexaadnimo iyo inuu baahiyo warar xaqiiqada iyo baahiyaadka bulshada ka turjumaya.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Qarannews