Maxaa maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya? (Warbixin)

somalia

Marka laga soo taggo in kulankii maanta uu ku soo dhamaaday buuq iyo sawaxan xoogan, ayaa waxaa dhanka kale jira warar sheegaaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya loo qaybiyay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaanada la safan Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay is hortaag ku sameysay in Shaqaalaha Baarlamaanka, uu mooshinka u qaybiyo Xildhibaanada, taasoo dhalisay in Xildhibaanadii mooshinka taageersanaa, ay iyagu qaybinta waraaqaha mooshinka ka bilaabaan Xarunta Golaha Shacabka.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la rumeysan yahay inay la safan yihiin Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay aqbaleen oo ay qaateen mooshinkii loo qaybiyay, halka ay jeex jeexeen Xildhibaanada taabacsan Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka tirsan Xildhibaanada taageersan mooshinka, ayaa wuxuu sheegay inay iyagu qaybiyeen mooshinka, markii Xildhibaanada kale ee ka soo horjeedo, ay handadeen Shaqaalihii Baarlamaanka.

“Baarlamaanka waxaan ka qaybinay mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, Guddoonka Baarlamaanka lama imaan wax awood ah. Meesha inuu dagaal ka dhaco waxaan ka door bidnay inaan moosinka ka qaybino Baarlamaanka.” ayuu yiri Xildhibaanku.

Wuxuu kaloo yiri “Falkii lagu socodsiin lahaa mooshinka waan sameynay, Xildhibaanada mooshinka diidan waxay handadeen Shaqaalaha Baarlamaanka.”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaanada mooshinka karkarineysa, ayaa wuxuu Xildhibaanada kale uu ku eedeeyay inay si cad u jeex jeexeen nuqulada waraaqihii mooshinka ee loo qaybiyay.

“Anaga marka naloo qaybiyay mooshinka waan qaadanay, si aan u soo akhrisano, laakiin Xildhibaanada diidan mooshinka waxay ku kacayn inay mooshinkii jeex jeexaan. Waxaasna waa sharci daro.” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo banaanka hore ee Xarunta Golaha Shacabka kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa wuxuu si xoogan uu u beeniyay in maanta wax mooshin ah laga qaybiyay Xarunta Golaha Shacabka, isagoo taasi bedelkeedana sheegay in xalay mooshinka lagu qaybiyay Hoteelada Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

“Ma ay jirto mooshin maanta laga qaybiyay Xarunta Golaha Shacabka, mooshinka xalay ayaa Hoteelada Magaalada Muqdisho lagu kala qaybsaday. Waad dareemi kartaa waxa Saxaafada loogu diiday meesha inay sharci daro tahay.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil.

Waxa uu intaa ku daray Xildhibaanku “Waxay na soo xusuusisay wixii Xildhibaanadii Kmg ahaa ay samayn jirayn.”

Cabdi Barre, ayaa xusay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, uu muddo 20 daqiiqo ah Xildhibaanada ka codsanaayay inay buuqa joojiyaan, markii la joojin waayayna uu ka tagey Xarunta Baarlamaanka.

Mooshinka waxaa ku qoran in maanta oo taariikhda ay 24 tahay in Xildhibaanada loo qaybiyay mooshinkii laga keenay Xukuumada, isla-markaana ay Xildhibaanadu ka doodi doonaan 30-ka bishaan.

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, ayaan si rasmi ah u sheegin in 30-ka bisha laga doodi doono mooshinka laga keenay Xukuumada, marka laga soo taggo in waraaqaha ay sidaasi ku qoran yihiin.

Salaanmedia/Moqdisho