Midowga Yurub Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Ay Somaliland Gashay

 image

Nov 16, 2014 Muqdisho (SM) – Beesha caalamka ayaa xalay si adag uga digtay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland ka jira, waxaanay ku baaqeen in la is xakameeyo. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa warsaxaafadeed uu xalay niskii dambe soo saaray wuxuu walaac kaga muujiyay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland.

“Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay Nicholas Kay wuxuu walaac ka muujiyay rabshadaha dhacay 15 November, iyadoo lagu gudo jiray u diyaar garowga doorashoyinka Baarlamaanka Somaliland. Waxa jira warar sheegaya in xubno baarlamaan ah la xidhay, iyadoo ay rabashaduhuna sababeen khasaare dhawr ah.” Ayuu yidhi warsaaafadeedku. Waxa intaas la raaciyay oo uu yidhi Danjire Nicholas Kay “Somaliland waxay horumar ka samaysay dhinaca doroashooyinka dimuqraadiga ah, rabashaduhuna waxay khatar gelinayaan guulaha la gaadhay.

Waxaan dhinacyada oo dhan ugu baaqayaa inay awoodooda xakamadeeyaan. Waa in jidka Diqmuraadiyada si buuxda loo ixtiraamaa.” Ergayga Midowga Yurub Mr. MicheleCervoned’Urso, ayaa isna qoraal kooban oo uu geliyay barta uu twitterka ku leeyahay wuxuu ku yidhi sidan “Midowga Yurub wuxuu ka walaacsanyahay xiisadaha kor u sii kacaya ee Baarlamaanka Somaliland. Waxaanu dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan oo ay oofiyaan balan qaadkoodii doorashooyinka 2015-la”

Salaanmedia/Hargaysa