“Mucaarid iyo Muxaafad Middiyo danahooda isugu maqan”

1

Mahad Allaa iska leh, waxaan salaamayaa dhamaanba warbaahinta kala gadisan ee dadwaynaha reer soomaaliland meel ay joogaanba.
Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan sikooban wax uga yidhaahdo arrimo laxidhiidha siyaasadda. sida intiina siyaasada lasocotaa kawada warhaysaan waayadii udambeeyey arimaha siyaasadda Somaliland waxay u eekaayeen middi middi kutaag, inta siyaasadda innoo matashaa waxay u badnaayeen kuwo maalinba meel iskala dhacaya sidii caruurtii yar yarayd ee galinba si u wada socday. arintaasi oo u e kaatay jaahwareer siyaasadeed oo inta badan ay kuhungoobeen dadwaynaha Soomaaliland intooda dacdarrada dalkooda iyo dadkooda u damqata. haddaba arintaan iftiminayaa waxay tahay doorka mucaaradka oo hadda aad u hooseeya marka laga reebo inay sameeyaan barnaamijyo badaan oo aay laf ahaantoodu xukuumadda kudhaliilaan. sida qabyaaladda, cayda, dacaayadaha aan salka lahayn iyo wlm.
Waxaa iyaduna jirta barnaamij ama qorshe darro dhanka mucaaradka ah. inta badan xisbiyada mucaaradku wax ajanda ah masoo bandhigaan, waxayna kukoobanyihiin soo nooleeynta dhaqannadii iyo siyaasaddii xisbigii inta badan Somaliland kasoo talin jiray ee saaxadda siyaasadda bilaa qorshaha kaga baxay ee UDUB.
Mucaaradku sidooda badan waa siyaasiyiin curyaamay oo inbadan saaxadda siyaasadda sibilaa nidaam ah ugu jiray oo marka hor ilaahay loo hadla halna aan bulshada kusoo kordhin. markaan leeyahay waa siyaasiyiin curyaamay uma jeedo sida inteena badan wax u eegto oo ah inay gaadhiwaayeen madaxtinimo, maya dhankaa nin wax kala garanayaa kafakari maayo eh, sidaa maahan curyaanka siyaasadeed ee aa sheegayaa kuwo badan oo madax ahaan jiraybaa kujira laakiin niman hogaamintooda lamajeerto oo waa jibaadkii qaran ee loo dhiibay lagu mahadiyey ma’ahan. maxaa yeelay madaxtinimada oo marba meesha ilaahay kuu calfo mana fiicna inaad inta badan u suxul duubato madax nimo dhigeedana waxaa wanaagsan inaa kuhamido hogaamin iyo horumarin dadkaaga iyo dalkaada.
Mucaaradku waxa uu abaabulaa caadifado. waxbadan lama arko mucaaradka oo inta badan dadka qorshayaal usoo bandhigaaya dhigeedana waxay sameeyaan kulamo dhaqan xumo muush katahay oo aay dawladda kucaayaan.
Docda kale xisbiyada mucaaradka ah midkooda ugu tunka wayn oo ah xisbiga waddani kuwa ugu badan ee horboodaa waa nimanka Baarlaanka toban sano kudhawaad soo ahaan jiray kuwaasoo lays odhan karo mar haddii muddadii baarlaanku dhow yahay inay meelahaa siyaasadda kusii nagaadaan oo xilal kale qabtaan. waxaa isaguna war wayn ah xisbigan mucaaradka ah ee waddani waxaa muush ka ah hadhaagii xisbigii muxaafadka ahaan jiray ee UDUB.
Dhaliilaha mucaaradka walow wax badan oo dhaliil ah jiri karaan haddana inta badan sida loo baahanyahay uma mucaaradaan.
haddaba barnaamija siyaasiga ah ee xisbiyada mucaaridka ayaa dhaafiwaayey i gaadhsiiya madaxnimo iyo madaxtinimo jacayl.
Xisbiga muxaafadka ah iyo xukuumaddiisu waa ka duwanyahay xisbiyada mucaaradka ah. qorshayaal siyaasadeed oo aad u badan waa leeyahay laakiin asaga laftiisu waa nabar kuyaal dadka iyo dalka maxaa yeelay waxa uu maalinba maalinta kadambaysa kudhex mil mayaa xaaladda siyaasiga ah ee wadanka, waxaabu dheeryahay inuu keenay dhibaatooyin keenay kala fogaanshiyo bulsho sida qabyaaladda iyo anaa awood leh arintaasoo ah nabarka ugu wayn ee ilaa maanta kuyaalla hadday kabogsadaanna guul u keeni kara.
guud ahaan mucaaradka iyo dowladduba waxay u muuqdaan laba kooxood oo cadaawad hore kadhaxaysay midkoodna midka kale inuu muquuniyo isu dayayo. uma muuqdaan niman dano siyaasadeed oo dalka iyo dadku wadaagaan wada.


Cilmi baadhe Arimaha Bulshada Iyo Siyaasada
Maxamuud Daahir Cismaan
Hargeysa Somaliland
Email: baadigoob@hotmail.com