Mujaahid Cali Gurrey ha loogu dhaarto A/rahaman Ciro la’antii in Silaanyo mudada korodhsan lahaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Mujaahid Cali Gurrey oo ah nin amaan mudan oo ka mida ragga Silaanyo sutida u haya waxaan xasuusinayaa in A/rahaman Ciro yahay ninka ka hortaagan Xukuumadan isu boga in ay mudada korodhsato adna waad ogtay hadaannu joogin oo Baashe ahaan lahaa gudoomiyaha wakiilada in laba ama sadex jeer Silaanyo mudada korodhsan lahaa.
Weynnu wada ognay in Ciro u yeedhay shir aan caadi ahayn si loo ansixiyo Komishanka oo kooxdii xag jirka ahayd diideen inay ka soo daahiraan. A/rahman Ciro isagaaba doonaya in uu Silaanyo bedelo ee sideebuu uula soo safan karaa. Cali Gurrey ha ka noqda hadalka uu yidhi Ciro dowlada ayuu la safanyay. Weliba waxa la garan karaa hadalkaasi in aannu ahayn fartii Cali Gurrey ee uu Faizal Cali Waraabe afka uugu riday. Nin kursiga Silaanyo ku fadhiya higsanayaa siduu xukuumada uula heshiin karaa hadh iyo habeen waxay ku fooganyiin sidii looga qaadi lahaa gudoomiya nimada golaha wakiilada si ay mudada u korodhsadaan e. Cali Gurrey waxaan leeyey labada xisbi mucaarad meel wax ha sii wada dhigtaan hadii Silaanyo jar iska tuuro oo intuu xukunka maroorsado Suleiman gaal iyo Cabdi Waraabe u kordhiyaan mudada. Wixii la yeeli lahaa labada xisbi mucaarad iyo madashu ha ka sii tashadaan. Miidaan Taxriirkuna ha noqdo dooxyada magaalooyinka sida dooxa Hargiesa iyo ka Burcao. Mudaharaad Salmi ah waxa la samayn karaa marka dooxyada la isugu yimaado ee magaalooyinka laga soo baxo si aan ganacsata wax yeelo loogu geysan.