Muuse biixi oo ka biyo diidsan qaska xukuumadu ka wado baarlamaanka ee ay ku rabto mudo kordhinta!

Muuse biixi oo ka biyo diidsan qaska xukuumadu ka wado baarlamaanka ee ay ku rabto mudo kordhinta!

Daawo : Hees Cusub Oo Loo Sameeyay Muuse Biixi ” Kurigaasaan Caashaqayee Madaxweyne Kol Idhaha “
 
Tan iyo markii lasoo afjaray khilaafkii ka dhashay diiwaangelinta madaniga ah ee ay ka heshiiyeen xisbiyada mucaaridka iyo xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye iyo xukuumada siilaanyo oo isku dhinac ah ayaa waxay safar wada jir ah ugu anbabaxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya safarkaas oo macnihiisu ahaa sidii laysula meel dhigi lahaa qolyaha deeq bixiyayaasha ah ee Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo dhinac ah iyo xisbiya siyaasada Somaliland, safarkaasi wuxuu ku soo dhamaaday guul siday inoo sheegeen xisbiyada siyaasadu markii ay dalka dib ugu soo laabteen kadib markay si wada jir-ah shir jaraa-id u wada qabteen,
 
intaas kadib waxay inoo sheegeen sadexda xisbi iyagoo wada jir ah inay isla qaateen qolyaha loo yaqaan qaadhaan bixiyayaasha doorshooyinka Somaliland laba qodob oo ka qabyo ah doorashooyinka 1- in baarlamaanku ansixiyo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka 2- iyo in la dhamaytiro oo weliba ladedejiyo ansixinta xeerka codbixiyayaasha doorashooyinka,
 
markii ay xisbiyada siyaasadu sidaas cad ee ay ku soo heshiiyeen qolyaha qaadhaan bixiyayaasha ay saxaafada kasheegeen iyagoo isku dhan waxay u cuntami weyday xukuumada madaxweyne siilaanyo oo aan iyadu ku mowqof iyo aragti toona ahayn gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi oo shirkaas Nairobi xisbiga kulmiye iyo xukuumadaba uga wakiil ahaa oo ay qaadhaan bixiyayaashuna rabeen inay uun la kulmaan hogaamiyayaasha xisbiyada oo ah kuwa ay iyaga doorshooyinku mid baarlamaan iyo mid madaxtooyo khusayso,
 
xukuumadu iyada oo rabta sidii ay u fashilin lahayd heshiiskaas afar geesoodka ah ee sadexda xisbi iyo qaadhaan bixiyayaasha oo dhinac ah isla qaateen waxay is hortaagtay in baarlamaanku ansixiyo komishinkii cusbaa ee hogaamin lahaa sidii dalka doorsho uga dhici lahayd! taas oo uu gudoomiyah baarlamaanka mudane c/raxmaan ciro oo ah hogaamiyah xisbiga wadani shir deg deg ah oo aan caadi ahayn isugu yeedhay xubnaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan gudida doorashooyinka qaranka si ay u dhaqaajiyaan hawsha qaran ee loo igmaday,
 
waxay xukuumadu kadaba tagtay oo ay golaha guurtida ku hor istaagtay oo ay buuq iyo muran gelisay xeerkii baarlamaaku ansixiyay oo aqlibiyada ku meel maray oo ahaa xeerka doorshooyinka codbixiyayaasha si ay doorshada u hakiyaan oo aanay waqtigeeda u dhicin,
 
hadaba waxaas oo dagaal ah oo xukuumadu ku raadinayso inay ku hakiso in aanay dalka doorsho ka dhicin gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi ma aha mid kula socda! muuse biixi wuxuu u diyaar yahay oo uu uga tanaasulay madaxweyne siilaanyo inuu marlabaad kursiga u tartamo oo uu xisbiga u noqdo musharaxa u taagan doorshada madaxtinimada hasayeeshee taas waxaan diyaar u ahayn madaxweyne siilaanyo oo raba inuu mudo aan kayaran laba sano ugu badnaana sadex sano ay golaha guurtidu u kordhiso si aanu doorsho iyo kaambayn iyo hirig hirig u soo marin wuxuuna cabsi ka qabaa in hadii uu tartamo ay dooran waayaan shacabka reer Somaliland ee hore ugu hungoobay kuwaas oo faro maran kataagan beentii uu kal hore buuga cagaaran ku qoray markuu codka ka rabay ee uu ku yidhi waan idiin qabanayaa hadaad xilka ii doorataan!,
 
mudo kordhinta waxay ka wada socdaan gudoomiye saleebaan gaal oo isagu reer ahaan ula safan laakiin weligiis aanay dhinaca siyaasada madaxweyne siilaanyo aanay isku mabda ka noqon oo ay ku kala aragti duwanaan jireen! waxay somalidu tidhaahdaa iyada oo cabiraysa halka ay qabyaaladu ka taagan tahay qofka somaaliga ah ( fiqi tolkii kama jano tago!) xitaa haduu wadaad kasta hayay oo qabyaalad la hor marsho dhinaca qabyaalada ayuu raacayaa!,
 
muuse biixi qaskaas xukuumadu rabto inay dalka xaalad siyaasadeed oo aan degenayn kaga abuurto waa kaas afka kaxidhay muuse biixi aragtidiisa siyaasadeed waxay tahay hadii aad marhore heshiiseen siilaanyo oo uu kaaga baxay oo ahayd inuu xisbiga kugu wereejiyo haduu markale hunguri siyaasadeed qaaday oo uu kugu qabsaday odayga isgadaa mar ha kuwada dhaafee laakiin lababa ismuusaarin marba ha kororsado mudo shii ah oo aan lagaranayn waqtiga ay dhamaanayso taas kumuu tashan cindigiisana muugashan! waxaanu taagan yahay waraabihii hasha abeerka ah ee todoba jirka ah intuu is yidhi cun ay ku jiifsatay yidhi ( cawiyo ayaan badanaa nimay caweer katoostoo waxba yaanu cunine cidladiisa u carara!) hada muuse wuxuu taagan yahay sida waraabahaas hashu ku jiifsatay oo wuxuu leeyahay waar yaa odaygan haragiisa kaa dul qaada aad bal maruun reer Somaliland cod weydiisatide!
 
aadan axmed nuur     

khuurshe11@hotmail.com