Nin ganacsade caan ahaa oo Magaalada Boosaaso lagu dilay

boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii Magaaladaasi ku dilay ganacsade caan ka ahaa Boosaaso.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Caalim, waxaana lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso, xilli uu kasoo baxaayay Hotelka Karama ee Magaaladaasi.

Yuusuf Caalim, sida la sheegay wuxuu ka hadlaayay taleefoonkiisa gacanta wuxuuna doonaayay inuu raaco baabuurkiisa oo yaalay banaanka hore ee Hoteelka, hayeeshe intii uusan gaarin baabuurka ayaa rasaas lagu harqiyay.

Kooxaha falka dilka ah u geystay Ganacsadahaasi, ayaa ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen, waxaana durba goobtaasi soo gaaray ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso.

Ninka xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso, ayaa waxa ay walaalo yihiin Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Puntland Cabdi Jamaal, waxaana la sheegay Yuusuf inuu dhawaan kasoo noqday deegaanka Gal-gala oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

Ilaa hada waxaan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geystay ganacsadahaasi xalay lagu toogtay Magaalada Boosaaso, iyadoo weli aysan ka hadlin laamaha ammaanka Magaaladaasi.

Kooxaha falalka dilka geysta ayaa si fudud ku baxsada, waxaana adag dabagal in lagu sameeyo ama gacanta lagu soo dhigo ragaasi gacan ku dhiiglayaasha ah.

Salaanmedia/Moqdisho

 

Â