Nin Hindi Ah Oo Ka Sheekeynayey Arxan Darrada Ay Kula Dhaqmi Jireen Burcad Badeedda Ayaa Yiri “Biyaha Ayey Noo Diidi Jireen, Wey Na Garaaci Jireen ….”

Nin Hindi Ah Oo Ka Sheekeynayey Arxan Darrada Ay Kula Dhaqmi Jireen Burcad Badeedda Ayaa Yiri “Biyaha Ayey Noo Diidi Jireen, Wey Na Garaaci Jireen ….”

Todobaadkii aan ka soo gudubnay waxaa la sii daayey 7 qof oo dhashay wadanka Hindiya kuwaas oo afduub ahaan ay burcad badeed ugu haysteen degmadaXarardheere ee gobolka Mudug.

Mid ka mid ah 7 qof  oo dhawaan ay siidaayeen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa markii uu gaaray magaalada Mombay ka sheekeeyey arxan daradii ay la kulmeen intii ay gacanta ugu jireen kooxaha burcadda ah.

Bahadar

Ninkani oo lagu magacaabo Bahadur Singh, 56 jir ah ayaa sheegey in markii la afduubanayay 4 sano ka hor ay ka shiraacdeen magaalada Mombasa kuna sii jeedeen magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Wuxuu sheegey ninkani in wixii filimaanta uu ka  daawan jirey ee afduubashada ay si toos ah ugu dhaceen isaga iyo saaxiibadiisa.Wuxuu intaasi ku daray in xitaa biyaha loo diidi jirey isla markaana la garaaci jirey, cuntadana ay qiil qiil ku ahayd.

Meesha lagu heystey ayuu ku sheegey in ay ahayd magaalada Xarardheere, halkaasi waxaa ku yaala dhisme weyn oo ku dhex yaala goof weyn, halkaasi oo ay illaaliyaan ciidamo badan oo ah burcad badeedda reer Mudug.

Wuxuu sidoo kale cabasho ka muujiyey in aysan xitaa heli jirin biyo ay ku qubeystaan, iyo kuwa ay dharka ku dhaqdaan, sidaasi darteedna dharkoodii calalada ahaa ay ku labisan jireen iyagoo dhusuq badan leh.

Salaanmedia/Moqdisho

Markacadey