Nin Soomaali ah oo 65-sano jiray oo South Afrika lagu dilay

timthumb

Dalka South Afrika, gaar ahaan Magaalada Port Elisabeth ee xeebta ku taala, ayaa waxaa lagu dilay nin Soomaali ah oo da’ahaa, kadib markii kooxo hubaysan ay rasaas la dhaceen ninkaasi.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Faarax Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 65-sano jir, wuxuuna kamid ahaa dadka Soomaalida ah ee mudada fog ku noolaa Magaalada Port Elisabeth ee dalka South Afrika.

Xasan Faarax Maxamed ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa goob uu ku iibinaayay baabuur uu lahaa, isaga hayeeshe raga hubaysan ayaa markii ay dileen kadib waxa ay ka xeysteen gaarigii uu lahaa Marxuumka dilka ay u geysteen.

Sida ay sheegeen Police-ka dalkaasi ninka la diley ayaa waxaa laga dhacay gaari uu sii iibinaayay , iyadoo gaarigiina laga heley meel ka durugsan meesha uu falka ka dhacay, waxaana jirtay in raggii falka ka dambeeyey ay goobta ka baxsadeen.

Raga falka dilka geystay ayaa markii hore iska dhigay dad iibsanaayo gaariga, hayeeshe markii dambe ayeey rasaas ku harqiyeen ninka Soomaaliga ahaa ee gaariga lahaa.

Marxuum Xasan Faarax oo ahaa shaqsi ganacsade oo aad looga garanaayay Port Elisabeth ayaa ka ganacsan jiray baabuurta.

Qoyska Marxuumka ayaa dhawaan u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaasi oo ay ka heleen dib udejin, iyadoo falka dilkiisa aad ay uga naxeen dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Salaanmedia/Moqdisho