Ololaha Sixirka Sanadka Cusub iyo Faaliye Cali Aareeye.

MAQAAL

Hadalkii shalay Kheyriyada Burco uu ka yidhi Cali Aareeye markaan daawaday ee aan si fiican u dhagaystay waxaa i qabatay baqdin sababtoo ah anuu ma jecli faalka iyo sixirka waa wax aan aad u necebahay ,waxuu la shiryimiday isagoo ku dhiiran hadalkiisa inuu dhigay faal, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii sidan.

” Anuu nin Ciise ah ayaan ahay,waxaan dhignay faalkii,waxaa la yidhi goormuu bilaabmay sanadka islaamku…..?. odayaashii faalka dhigayay waxaan ku idhi sabtibuu bilaabmay,waxay yidhaaheen sabti haduu bilaabmay Siillaanyo wax ka xumaada mooyee waxba uma hagaagayaan”

Allow na garab mari sharka,faalka iyo sixirka Cali Aareeye uu ku cabsigalinayo bushada reer Somaliland ee xalaasha ah,hagar daamooyinka uu ninkaasi ka dhex wado wadanka in badan ayaa la ogaa isku dirkii beelaha wada dega galbeedka magaalooyinka Zeiylac iyo Xariirad ,waxuu soo hubeeyay maleeshiyo beeleed Ciise ah oo laga keenay Harmukaale iyo Diridhaba waqtigii doorashooyinka dawlada hoose ee uu isagu muranka ka dhex dhaliyay guushii xilibaanada deegaanka gobolka Zeiylac isagaa kow ka ahaa dadkii ka xanaaqay, waatii la ogaa inuu macawista degta ku qaatay Hargeiysa dhexdeeda.

Sixiroole Cali Aareeye waxuu galay dambiyo waaweyn oo aan la qiyaasi karin kuwo qarsoon iyo kuwa muuqdaba,waxuu ka mid ah dadkii shirqoolka sixirka u qooshay Madaxweyne Axmed Sillaanyo safarkiisii u horeeyay ee uu Djibouti ku tagay kadib doorashadii 26-Juun 2010 ,warar la isla dhex mari jiray ayaa la sheegay in madaxweyne Axmed Siillaanyo lagu sixray Djibouti iyo safarkii loo dhigay ( RED CARPET ) ninkii ogaa ayaa ogaa in Madaxweynuhu isku dhexyaacay kadib safarkaasi lagusoo dhaweeyay markuu tagay wadankaasi aan sheegnay,Odayaashan uu hada sheegaayo ee uu leeyahay way faaliyeen waa kuwa lagu tuhunsanyahay ee sixiroolayaasha ah bal hala iska jiro.

Ololahan ay wadaan Cirro iyo xerta xayraamiinta u badan ee Cali Gurey hogaaminayo waa wax aan laga hadli karin lagana aamusi karin, waa caadood lkn ta la yaabka dhalisay ee baryahan inagu cusubi waa ta cajiibka ah iyo af kala qaadka ee Sixirka iyo faalka lagu faanaayo cajiib!!!!! waa wax inagu ah ugub oo aaynaan waligeen ku darsan ama kusoo hadalqaadin siyaasada Somaliland goobaha fagaaraha iyo meelaha la iskugu yimaado wali hore aan looga maqlin waa hadalkiisii Faaliye Sixiroole Cali Aareeye oo shalay Burco ku ololaynaayay oo ahaa daahir yaa shams.

Anuu lama yaabani ninkan Faaliyaha ah lkn waxaan la yaabanahay Xisbiyada mucaaridka madaxdooda iyo kan gacmaha haysta ee ka barakaynaysaya sixiroolaha cadaystay xumaantiisa , Xisbiyada mucaaridka Somaliland dhamaantood waa isma dhaanto iyo dhasheed waxay bilaabeen hawl aan hada loo joogin oo ah arin ay ku jiraan olole aan waqtigiisii la gaadhin ayay maalinkasta lasoo yuururaan TV-yada sacab iyo sawaxan joogto ah,shacabkii ayaa khaati bilaahi ka taagan ,amaankii ayay halisgalinayaan waxay sugi kari la’yihiin inta ka hadhay doorashada waa dad ka arradan siyaasada oo ay u muuqato kaliya kursi aanay waxba ka garanynin maamulkiisa,way iska cabaadayaan mar ay dumar cadhaysan is hor wadaan iyo mar ay meelahaasi ka ooyaan mar ay sixiroole soo kaxaystaan muusanow baa dilay dhamaantood , calaalkooda ayaa joogto ka noqday warbaahinta gudaha iyo dibada waa lala yaabanyahay waxa ay ku fekerayaana waa arin aan hada la joogin waqtigeeda.
Kalsooni daroda faalka iyo sixirka waxaa badanka adeegsada dadka liita dhanka caqliga ,awooda,aqoonta markay talo ka dhabaqdo,waxaa isticmaala dadka aan isku kalsoonayn ee aan lahayn cilmi diimeed iyo mid duunyo midna , Cali Aareeye waxuu isku cadeeyay xan badan oo la sheegayyay inuu yahay sixiroole.

 

MO.Sharif

guallab@gmail.com