ORGIGII IBRAAHIN IYO TUUGTII

maqaal
Waxa magaalada Burco ku noolaa 70 nadii horaantoodii ORGI weyn oo dad ladaaq ahaa (wuxuu ahaa muwaadin burcaawiya) , waxa la odhan jirey IBRAAHIN .

ORGIGAASIsuuqa ayuu ku noolaa , ciddii soo doonatana wuu iska celin jirey .
Waxa dhacday maalin maalmaha ka mid ah , in uu in yar oo qaad ah soo helay  koox dubjir ah oo tuug ah , ayaa ka  qaaday  intii yarayd ee uu soo helay , ORGIGII Ibraahinna wuu iska celiyey oo wuu laayey , midba meel ayuu ka dhacay .
Kooxdii tuugta ahayd waxay ku tashadeen inay dilaan oo nolosha ku aasaaniyo codkiisii way dam
 oo isugu tagaan .
Waxay qodeen xofrad (god) weyn , waxay ku rideen ORGIGII Ibraahin , waxay bilaabeen inay ciidda ku roggaan oo ku aasaan orgigii ibraahin godkan .
ORGIGII Ibraahin qaylo ayuu oodda ka qaaday , laakiin tuugtii ciiddii ayey ku boobeen , ORGIGII Ibraahin wuu niiqdaayey qayladiisii , wuu aamusay , kooxdiina waxay u qaateen inuu ciidda hoos maray oo dhintay , aad bay ciiddii ugu boobeen si ay dhakhso ugu aassaan .
Laakiin ORGIGII Ibraahin ciiddan lagu soo rogaayo ee dushiisa ku soo dhacaysa wuu ka gilgilanaayay oo wuu iska daadinaayay , ciidduna hareerihiisa ayay ku dhacaysay .
Kooxdii waxay arkeen ORGIGII Ibraahin oo ciidda soo kor maray , oo mar qudha xofraddii (godkii) ka soo mudh yidhi oo ka soo booday .
ORGOGOO Ibraahin intuu halkaa u booday isaga oo faraxsan (qoslaaya) , ayuu intuu kooxdii tuugta ahayd , sidaa u eegay hore isaga dhaqaaqay , iyaga oo kooxdii yaabban oo la yaabay CAQLIGA uu orgigani (xayawaankani) adeegsaday ee uu iyaga oo DAD ah ka badiyay , ee uu ka GARAAD batay .
Kooxdii tuugta ahayd tacabkoodii iyo qorshahoodii xumaa , way ku guul daraysteen , waanay u socon wayday , inay ORGIGII Ibraahin NOLOL KU AASAAN .
Hadaba dad baa isku deyaaya kana shaqaynaaya , sidii ay qadyadda somaliland u aasi lahaayeen iyada oo qadyadda somaliland  NOOL .
Qaar kalena way isdhiibeen oo waxay rumaysteen , inaan qadyadda somaliland cidina ictiraafi doonin .
Hadaba waxa weeye arin kasta oo qadyadda somaliland ka hortimaadda , waa in la maareeyaa , lagana gilgishaa , qadyadda somaliland na way NOOSHAHAY , cidina ma dili karto , mana qarin karto , cidina ma aasi karto .
Kooxahan iyo tuugtanna arinkoodu wuu kashifan yahay , shacabka iyo il-laahayna way idin arkaan .
HADABA MA ORGIGII IBRAAHIN IYO KOOXDII TUUGTA AHAYD BAYNU KA LIIDANNAA ?
CALI MAXAMED BIIXI          caliwwelli@hotmail.co.uk

 

 
Â