Qarax Ka Dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho

image

Muqdisho (SM) – Qarax ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray kaasi oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo rayid ah, hase ahaatee Ciidamada Amaanka dowladda oo goobta soo gaaray ayaa gacanta ku dhigay ninkii iska lahaa gaariga qarxay kaasi oo sheegay in gaarigiisa lagu xiray qaraxa intii uu ka maqnaa.

Majiro waxyeelo uu qaraxu gaarsiiyay goobihii ganacsiga ee ka agdhawaa iyo gawaarida kale laakiin dhawaqa qaraxa uu sameeyay ayaa laga maqlay meelo fog fog.

Wariyayaasha oo goobta tagay ayaa waxa uu sheegayaa in labada qof ee ku dhaawacmay qaraxa loola cararay goobaha caafimaadka si wax looga qabto dhaawaca soo gaaray.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli wasaarada Amaanka Soomaaliya ay Amar ka soo saartay Gawaarida raaxada ee la dhigo wadooyinka waa weyn sida Maka Al Mukarama iyadoo ganacsada ku amray in ay la socdaan gawaarida la soo dhigayo hortooda.

Salaanmedia/Mogdisho