Qoyska Silaanyo ha cabo dhiiga daatay waa janada talalax deediiye by Abdi Mustafe

MAQAAL
Sida qoraxda ayay u caday in aan qoyska Silaanyo miyir qabin oo aanay garan karin waxa 10 jirku garan karo. Inay is yidhaahdaan qasab ku xukuma Somaliland waxay la mid tahay Siyaad Barre oo qabriga dub uuga soo baxay oo kale oo shicib ka yeelayaa ma jiro. Suleiman gaal na haduu xalay Silaanyo shir la galay sida warbaahinta qaar kood qoreen oo uu yidhi dalka xiisad baa aloosan ee mooshinka ha la joojiyo oo Silaanyo ku gacan saydhay haday run tahay muxuu warbaahinta inta uu la hadlo uugu sheegi waayey in uu gacamo madhan kala soo noqday.
Waxba ha ka dhegysanina waa isku diin labada doofaare. Suleiman gaal waa ninka fitnada aad uuga shaqeeyey iminkana isaga iyo Abdi Waraabe oo tiisaba u liita ayaa doonaya in ay mucaaradka yidhaahdaan Silaanyo laba sanadood ha loo kordhiyo oon laga ismici doonin. Run ahaantii wax laga sii wada hadlaaba ma jiraan kol hadii hadh cad golihii wakiilada inqilaab lagula wareegay oo la iska hor taagay Gudoomiyihii wakiilada iyo xildhibaanadii Waddani.
Waataa meel walba dhiigo daatay dhimasho iyo dhaawac ba. Caqliga ma gasho xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo keliya ayaa golaha furanaya ee shicibku ama duliga ka qaayibo ama wax ha iska celiyo.