Qudbada Silaanyo Video lagama daawan ee waxa la dhegeysan karaa iyadoo Voice changer software lagu habeeyey by Abdi Mustafe

maqaal

Voice changer Sofware waxa weeye program marka qof microphone ka hadlayo sidii la doono loogu habeen karo codka. Silaanyo qudbadiisa software kaa codka dedegin kara ee isku xidhi kara ee ka saari kara meelaha hag hagada le ee sidii la doono loogu qurxin karo ayaa loo adeegsaday. Codka qofku waa kiisii laakiin siyaaba badan baa dadka loogu khaldi karaa. Waxyaabaha aad ku garan karto waxa ka mida marka qudbadu bilaabanto ayaa hadalkii oon dhamaan ayaa hadal kale bilaab mayaa. Waxa kale eed ku garan kartaa Silaanyo sidan tooska ah ee bilaa hashkada ah goor uu u hadlo waxa uugu danbaysay markuu mucaaradka ahaa. Wareysiga Silaanyo bixiyeyna wuxuu ahaa sadex sua’alood oo jawaabta loo soo qoray si dadka loogu qaldo oo la isu yidhaa wareysi buu bixiyey madaxweynihi. Mrogan iyo Dhuxul iyo Cukuse haday is yidhaahdeen ummada qalda waxa la keeni karaa cod kooda oo ciyaala ama dumara oo isla markaana hadana aad garanayso in ay yihiin ragan sadexda. Morgan, Dhuxul iyo Cukuse waa badow is yidhi ku isticmaala Voice changer software codka silaanyo si dadku isu yidhaahdaan ileyn odeygi weli si quwad le ama aan qalad lahayn ayuu u hadli karaa. Waxaan u sheegayaa sadexdan badow hadaa kelmed qudha EDIT gareysaan waa la qaban karayaa oo software sheegaya ayaa hadaba isna jira ee la socda. Arinka Farxan Haji Ali mulkiilaha HCTV ee ciyaal kiisa guriga laga saaray waxay gaaladu ku maah maahdaa, What goes around comes around.. Car yeynaan arkin kuwa amarka RRU da siiyey oo qudhooda guryaha dhawaan dibada looga tuurayo. Aduunkaa iska ceyn kaas ah oo waxaad dadka ku samayso waad la kulantaa iyadoo ama adiga ku heysata ama eheladaada.
Hadaba in badan baa warbaahinta xukuumadan loo marinayay in aanay dadka ku tacadiyin oo la lahaa hadii kale is qabsi baa dhici. Wax loo dool qaato oo hadhay ma jiraan ee shicibka iyo dhalin yaradu ama xukunkan fircoon ha iska dul qaadaan ama baryada badan ha iska daayaan. Qudbada Silaanyo waa HOAX lagu soo diyaariyey madaxtooyada ee waxba ha ka qorina waa cod kiisii oo la kaabay e. Ha beeneeyaan oo iyadoo live Video ah dadka ha tusaan oo uu qudbadeynayo iyo iyadoo la wareysanyao. Ma isagaa sidan uuba hadli kara Software baa lagu habeeyey hadal kiisa e

Abdi Mustafe  

abdi_mustafe123@yahoo.ca