Reer Gabiley mar labaad u qaldami maayaan Silaanyo iyo qoys kiisa iyo Kulmiye.

Reer Gabiley mar labaad u qaldami maayaan Silaanyo iyo qoys kiisa iyo Kulmiye.
MAQAAL
Boobe Yussuf Ducaale, Mohamed Abdillahi, Mohamed Hashi, iyo laba janan intuu eryey qaarna qori lugud lagu dilay ayuu hadana waali wuxuu Silaanyo ka qabo heybsanayaa in Gabiley looga mashxarado. Silaanyo iyo qoys kiisu reer gabiley ma dad aan damiir lahayn bay u heystaan.Awdal na waxba uuma yaalaan oo cabashadii salaadiinta waxna kama qaban kamana qaban doono. Barina hadal kiisaba daa oo wax u yaalaa ma jiraan. Ummada sidaa u nacday xukuumada joogta hadii ay isku dayaan mudo korodhsi waxaynnu sugnaaba waa iyadoo beelihii lagu noqdo oo dimuqraadiyadu bur-burto. Silaanyo iyo qoys kiisu se intaa ma garan karaan … Waa maya … Hadaba ha daawadaan waxa dalka Burkina Faso ka socdo. Shicibki caasimadii dab bay wada qabad siiyeen, golihii wakiilada iyo aqal uu ku jiray madaxweynaha walaal kiina wey gubeyn … iminkna waxay ku sii socdaan aqalkii madaxweynaha. Qoyska Silaanyo haday sidaa ku sugayaan waa yeel kadood.
Hadii kale ha soo dhaafaan meesha cidi kama jecla Somaliland e. Siiba Amina Weris ha ogaato haday ilmada yaxaaska daadiso maahee haday wax walba samayso sanadka danbe wey ka baxayaan madaxtooyada ileyn iyagu malaha e. Xukuumadu sidii wan la gowracay oo rafanaya oo kale ayey noqotay oo waxay xidho iyo hanti qaran oo ay iibiso ayay ku waalatay. Wax baannu qabanay bay ku andacoodaan … Suaashan ha is weydiiyaan …. Xagay geeyaan lacagta lagu iibiyo hantida qaranka sow iyagu ma qaataan. intay dalkii boobeen bay khuraafaad doonayaan in ay shicibka u sheegaan. Qoyska Silaanyo wuxuu istaahilaa in maxkamad la soo taago oo lala xisaab tamo. Malaayiin doolar bay ka dhaceen Somaliland oo la wada ogyey. Hadaba waa idnka xaaraan in aa mar danbe qaranka boobtaan oo dalkana fasa haadisaan ee intaan madaxtooyada la idinku gubin ka huleela aad yar. Silaanyo: Gobanimo samee oo ama doorasho qabo ama xilka wareeji oo ma sii wadi karayo dhe sidaa ayaad taariikhda ku geleysaa hadii kale waxaad ka geli bog madow oon la soo hadal qaadin. Amina Weris na waxaan leeyey odeyga jiid jiidka ka daa … Tolkiina adaa kala dilay isagana naf uuma heysid ee orod London ku xanaanee waa laga dheregsanyay in aannu intuu TV yimaado ummada la hadli karin e. Amina Weris taariikhda waxay ku geleysaa gabadhii wadaad keeda u naxariisan weyday ee doontay in dadku haragiisa eegto iyaduna dalka xukunto. Si qoraal kani been u noqdo Amina Weris bal Silaanyo ha soo fadhiisiso TV ga oo dadka ha la hadlo sua’alo dhowrana ha la weydiiyo …. Ma dhici kareyso…. Somaliland waa dal aan madaxweyna taliya lahayn ee khiyaamo lagu maamulo.
Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com