(SAXAAFADA MADAXA BANAAN WAA BAALASHA AY KU DULAAN MUCAARIDKA, SAXAAFADUNA WAA DHISAHA QARANKA, MUCAARIDKUSE YAYSAN KALA JECLAYSAN SAXAFADA MADAXA BANAN)

1

Sidaynu ogsoonahay saxaafada madaxa banaan waa dhisaha qaranka ahna baalasha ay ku duulaan mucaaridka, waana difaaca dalka dhinaca saxaafada weerarada kaga yimaada dalalka kale.
Mucaaridka waa saxaha dowlada, waana sheegaha dhaliilaha jira.
Hadaba waxaa is waydiin mudan mucaaridka isha kaliye ee warka uu ka helo waa saxaafada madaxa banana oo ah safiirada wareega ee goob walboo dhaliil ka jirto uga soo waranta, warka sirta ahna raadisa xafiis walbana gasha si ay u hesho war saxan oo uu kaga faa idaysan karo mucaaradka, shacabkana ay aad ula socdaan saxaafada madaxa banana , mucaaridka waxaa cod shacab u raadiya waa saxaafada madaxa banana waxana hoos u dhiga saxaafada madaxa banana.
Dulucdu waxay tahay maalin aan sidaa ufogayn ayaa xildhibaan xoog waxuu shir jaraa’id ku qabtay magaala madaxda Somaliland ee hargeisa waxuuna kaga hadlay qodobo dhowr ah.
ka madaxwayne mustaqbal ahaan qodobada qaar waan so dhaweeyay hasa ahaate mid ayaan ku diiday oo ah yaanan la aqrisanin jaraa’iddada qaar oo ah kala jeclaysi saxaafada madaxa banaan, mucaaridku caado uma lahan kala jeclaysiga saxaafada madaxa banaan ee fahan xildhibaan xogow booska ay inoogu jiran saxaafada madaxa banaan, booskasoo aan oran karo mid walba meel ayay inoo qaabilsantahay ee aynu la shaqayno.
Anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan raali galin ka bixinayaa hadalkii kazoo baxay xildhibaan xoog ee ahaa jaraa’idada qaar yaan la iibsan oon la aqriyin oo aan leeyahay taa idin ma qabato, qofkuna wuu khaldami karaa hadalkaana si khaldan ayuu uga baxay xildhibaanka,
Saxaafada madaxa banana waad ku mahad santihin sida wacan ee aad ula shaqaysaan mucaarad iyo muxaafadba waanan idinkaga mahad naqaynaa.