Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Muqdisho9

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed (Saddexda Gobol), ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu booqasho ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, xilli 17-kii bishaan loo doortay Hogaamiyaha Maamulka Saddexda Gobol, inuu noqdo.

Dhinacyo kala duwan, ayaa si diiran ugu soo dhaweysay Garoonka Aadan Cadde, waxaana maalmaha soo socdo lagu wadaa inuu ku sii nagaado Caasimada, isagoona kulamo kala gaar gaar ah kula leh Madaxda Dowladda Federalka Somaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo, ka hor intii aanu u socdaalin Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka sheegay in Caasimada uu u tegaayo, kulamo uu kula lee yahay Masuuliyiinta Dowladda.

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, ayaa kulamada uu la lee yahay Madaxda waxa uu ku sheegay, mid uu ugala tashanaayo dhismaha iyo dhameystirka Maamulkiisa, isla-markaana ay muhiim tahay kaalintooda, sida uu yiri.

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa uu ammaanay Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Koonfur Galbeed (Lixda Gobol), ee taageeray inay ka midka noqdaan Maamulka Saddexda Gobol, ee kala ah Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Shariif Xasan, ayaa cod kore ku sheegay in kheyraadka dalka uu lee yahay uu ka badan yahay dhammaan shacbiga Somaliyeed, balse midda loo baahan yahay ay tahay inay Somalidu heshiis ka gaarto, waxyaabaha ay isku diidan tahay.

Booqashada Shariif Xasan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Madaxda Dowladda Somaliya ay isku khilaafsan yihiin, tallaabada uu ku noqday Madaxa Maamulka Saddexda Gobol.

Salaanmedia/Moqdisho

Muqdisho Muqdisho1 Muqdisho2 Muqdisho3 Muqdisho4 Muqdisho5 Muqdisho6 Muqdisho7 Muqdisho8  Muqdisho10 Muqdisho11 Muqdisho12 Muqdisho13 Muqdisho14