Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo sheegay in si xowli ah ay weerarada kaga wadaan Magaalada Muqdisho

Al-Shabab pins Somalia raid on Turkey and UK

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa ku faanay in si xowli ah ay weeraro kaga geysanayaan Magaalada Muqdisho, ayna ku beegsanayaan waxa uu ugu yeeray cadowga.

Afhayeenka, ayaa soo hadalqaaday in Khamiistii shalay ay Magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal ka tirsan Dowladda Somaliya, ka gadaal markii ay ku weerareen Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa sheegay in dilal xiriir ahaa ay ka geysteen Magaalada Muqdisho saddexdii maalmood ee ugu dambeysay, taana ay sababtay in baqdin ku timaado Saraakiisha Dowladda, sida uu yiri.

Dagaal-yahanada Shabaabka, ayuu ku booriyay inay wadooyinka u joogsadaan Saraakiisha Dowladda, guryahana ay ugu daataan, iyadoo uu ku ammaanay inay baqdin geliyeen waxa uu ku sheegay cadowga.

Abuu Muscab, ayaa Masuuliyiinta Dowladda ku eedeeyay inay isku baheysteen inay dhibaato geliyaan shacbiga Somaliyeed, isla-markaana ay taasi ka dagaalamayaan mintidiinta Shabaabka.

Abuu Muscab waxa uu ku goodinayaa inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan xubnaha ka tirsan Dowladda Somaliya.

Marka laga soo taggo hanjabaadaha Al Qaacidada Somaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaayo dadaalo xoog leh, oo lagu doonaayo in lagu xakameeyo amni darada ay ka wadaan Caasimada.

Salaanmedia/Moqdisho