Sheeko Kale: Oday iyo Islaan Cabdisalaam Yaasiin

Sheeko Kale: Oday iyo Islaan

Cabdisalaam Yaasiin

 New Picture

Umad ka mid ah umadihii hore ayaa colaad iyo abaar heshay. Dadkii iyo xoolihiiba waa le’deen. Dadkii waxa ka soo hadhay in yar oo waayeel ah iyo dhalinyaro koray ah. Xoolihii dhaqashada ahaana waa dhamaadeen. Waxa se soo hadhay waxoogaa ugaadha ah.

Oday ka mid ah dadkii waayeelka ahaa ayaa yidhi, “dadku maamul iyo madax buu u baahanyahay, ee anaa madax u noqonaya, oo waxan ahay taliyaha kowaad.” Islaantiisii, oo ag joogtay, ayaa tidhi, “Anna waxan ahay taliyaha labaad.”

Odayii baa yidhi, “Anaa talad hore leh.”

Islaantiina waxay tidhi, “Anna ta dambe ayaan leeyahay.”

“Waayahay,” ayuu yidhi odaygi.

“Hadaba, dadki waa gaajoonayaa,” ayuu yidhi odaygi,”ee waa in ay dhalinyaradu ugaadhis tagtaa oo dadku waxay cunaan u keentaa.”

“Kuwa ugaadhis tegayaa waa dhalinyarad ragga ah,” ayay tidhi islaanti, “dhalinyarada hablaha ahi ma ogaadhsi tegayaan ee marka cunadu timaado ayay diyaarinayaan.”

“Ilayn talad dambe ayaad lahayde, waayahay,” ayuu celiyay odaygi.

“ Marka cunada la diyaariyona, sidan ayaa loo qaybinayaa: marka hore waayeelka ayaa la siinayaa, marka labaadana dhalinyarada ragga ah ayaa la siinayaa, wixii ka soo hadhana   dhalinyarada hablaha ayaa la siinayaa.” Ayay raacisay.

“Ma sidaas ayaad wuxu qaybisay?” Ayuu weydiiyay odaygi.

“Haa. Sidaas ayaan wuxu qaybiyay,” ayay ugu jawaabtay.

“Dee waayahay, ilay talada dambe ayaad leedahaye.” Ayuu yidhi odaygi.

“Iyaba waa yaab! Oo waxan ku weydiiyay, maxaad hablaha ugu dambaysiisay cunad, sow qadi maayaan?” Ayuu yidhi odaygi.

“Anaa sidaa gartay, sow anigu talada dambe ma lihi!!!?” Ayay ugu jawaabtay Islaanti.