Shir Doceedada Wasiir Xirsi ee Dhalinyarada Iyo Damaca Ku Laabudan Q2aad

maqaal

Waxan todobaadkii hore idiin sso gudbiyay Faaladan qaybteedii 1aad

Inagoo halkii kasii wadi dona qalinkeenii ayaan waxa hore ugu sii socon doonaa anba qaadkeenii labaad

Waxa aynu si qoto dheer isu dul taagaynaa Ciwaanka Faalada ee Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan oo sida la ogyahay inuu si dhiiranaaan iyo firfircooni ku soo galay saaxada Siyaasada Somaliland isaga oo Talaabo Gorayo ku fuulay Masraxa Siyaasada oo in badan dadku ay wax iska wadydiiyaan awoodaha Xukumigaa ee uu dheeryahay Masuuliyiinta Dhigiisaa

Hadaba taasi waa sahaalo ee waxa soo ifbaxaaya Inuu Damac siyaado ah leeyahay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo uu dhaqdhaqaayo hoose oo oo dareenkooda aad loo xadiday uu wado oo ku salaysan damaciisa Siyaasadeed

Si uu hore ugu sii socdo una koriyo Hankiisa arintaana waxa uu ka bilaabay oodda dadka dalka ku nool ugu badan oo ah Dhalinyarada waxana had iyo jeer la arkaa isaga oo ka dhex muuqda Munaasibadaha Dhalinyarada ugaarkaa sidaynu hore usoo sheegnay Waxa uu Wasiir Xirsi Cali X Xasan Had iyo jeer u sameeyaa Dhalinyarada Casuumaddo Casho Sharafa oo tiro badan iyadoo mararka qaarkood
Ay dhacdo inuu ilaa 400 oo Arday uu u sameeyo Casuumadaha Noocaasa

Hadaba Way Wacantay in lasoo dhaweeyo Dhaliyarada Aqoonyahanada ah oo Niyada loo dhiso hadana Mushaharka Wasiirka iyo May is kefayn karaan Qarshiyaadka ku baxa Munaasibadaha Caynkaasa Taasi waa maya halkaas timir baa laf ku jirta

Waayahay hadaba intaa kadib la dareemay inuu Mudane Xirsi Tegay kulano hoose oo dhalinyarada somaliland qaarkood uu la qaatay iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu Wasiir Xirsi Dhaafay Dalka Gudihiisa oo uu Kumo lasoo yeeshay Dhalinyarada Dalka Debediisa Waxabarashada ugu Maqan Sida Kuwa Wax kabarta Jaamacadaha Dalka Itoobiya Gaar Ahaan Magaalada Jigjiga hadaba waxa uu Wasiir Xirsi Waxaas hawla u marayaa waxa kasoo baxaaya Damac ka sareeya kan imika dadku ku majeerto amaba ku maago had iyo jeer
Bal xaalku waxa uu marayaa Falaadhii Cirka Loo Tuuray nin walawaba Filo
Halkaas Maanta hayoogu Joogto Faaladu Lasoco

By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group Media