Sirdoonka garoonka Aadan Cadde Oo goordhaweyd Lagu Dilay Gudaha Muqdisho

image

– Taliyihii Waaxda Socdaalka Diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Cadaw (Dhabarey) ayay kooxo hubaysani goordhaweyd ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. xili uu marxuunku alle ha unaxariistee uu Marayay Waddada Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.war deg deg ah

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sargaalkan oo watay gaari nuuca raaxada ah lagu hor jaray gaari kale kadibna rasaas culus la huwiyay, waxa uuna taliyaha u geeriyooday rasaasta ay ku fureen Kooxaha Hubeesan.

Kooxihii Weerarka geestay ayaa goobta isaga baxsaday , waxaana goobta falku ka dhacay oo ah laami mashquulsan ayna ka agdhaw yihiin Ciidamo katirsan Dowlada , Ciidamada amaanka ayaana ku guul dareestay soo qabashada kooxihii dilka geestay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan kusoo kordhaw dilalka qorsheesan ee loo adeegsado gawaarida raaxada, waxaana inta badan baxsada kooxaha hubeesan ee marba gaari soo qaata dilal kala duwana ka fuliya Muqdisho.

Salaanmedia/Media