SIILAANYO OO NOQDAY ADEN GALAYDH!

 

​​unnamed2

 

Waxa aan doonayaa in aan Bulshaweynta reer somaliland aan dib u xasuusiyo Taariikhdii ninkii la odhan jiray ADEN GALAYDH, oo ahaa nin Reer Sanaag ah, oo waqtigaa la joogay, illahay u dhameeyay Afartii maal aaduun ee barigaa ugu sareeyay, (Geella, Gamaanka, Adhiga, iyo Loda) oo gayiga soomalidu degtaba ninkaa intaa haaystaa uu dhif yahay.

Ayaa Waxa layidhi Illahay siiyay Wiilal markaasuu afka kor u siitaagay, mudo kadib markii Ragii kaalin qaadnoqdeen ayaa, kii ugu roonaa nin dilay, Markaasay qoladii uu ka dilay yidhaah deen magta hanala siiyo, tolkii kale ayaa soo ururiyay, magtii ninka waxay goobta soo tubeen 99 sagaashan halaad see layidhi Aden Galaydh halku soo dar, markaasuu ugu jawaabay, Bal aan hasha ku soo daree sidee sumada laga odhanayaa, waa meel illahay wax ka wadeen Waa loogu taag waayay Aden Galaydh in uu hal ku soodaro.

Maantii danbe ayaa Fooda laysdaray, Ragii uu ku xisaab tamayay Aden Galaydh ayaa Goobta la wada dhigay, (Geer yooday) Aden Galaydh oo dhawaca ayaa la dul yimi, Se layidhi Tali, isagoo garawsaday Qaladkiisii ayuu yidhi ( Maantaan tamar hayayna Talo mahayn, Maanata oo aan tamar hayna Talaan hayaa).

Taa wa ka dhigan Odaygan 85 jirka ah ee aynu Codka ku dooranay ee maalinba Biri magaydada Reer Somaliland RRU galinaya, Wiilashii Aden Galaydhna Waxa ka dhigan Xirsi X. Ali iyo Calimareexaan, oo Sharkigii dalka ka dhigay, Dollar qofkii la doono, lagaga muraadsado, Se Soomalida ayaa ku maah maahda I ARKAAY I ARKAAY I QARIYAA I QARIYAA KU XIGI, Waxa cad in ay ku daaleen Nabadii iyo Walaaltinimadii markaa waxay doonayaan wey heli!!!

Xirsi waxa uu noqday Canbaar ku taala Somaliland, oo aan waxba ka xishoon lana ciir ciiraya masuuliyad aanu qaadi karin ee lagula dul kufay, sharcigii dalkana ka dhigay wax uu habeen iyo maalin ku tunto, Odaygan Siilaanya, waxba kalama socdo, fidmada aqalkiisa laga soo maleegayo, si loogu khalkhal galiyo nabad galyda somaliland, Xirsi jooji odhan maayo, Waayo markuu hargeisa ka carraro ee uu bari afka sooro ka horow miyirku kuma soodagayo, askarta iyo Xooga somalilandna maaha dad adigu samaysatay, ee waxay noqon doonan ku wa dalkooda iyo dadkooda u tudha, aduunbaa sida tukaha baalcad ka dhex noqon doona Somaliland.

Xildhibaanada Laaluush Quutayaasha ahna waxa aan leeyahay, Dabliqa, XIL ama MP waxa uu shaqeeyaa marka uu ku dhaqmo sharci iyo dastuur intiiba hadaad hoosta dhigteen oo Dollarku idin hago, Ogaada waxa idin qaadi doona Dabaylaha isbadal doonka ah ee ka dhacaya Somaliland.

Saxaafada Xorta ahna maaha mid aad cunaha qaban kartaan oo maanta caalamka aynu joogno waa ( Global Village) Xaafad Waxkasta oo aduunka ka dhaca markiiba waa lala socdaa, Xukuumaddii Siyaad Barre ayaa Afka qaban kariwayday saxaafada, Saa waadin koo aan kala saarayn, Siin iyo Saad. Boobka, Musuqmaasuq, Xatooyadda, iyo Xadhiga Saxaafadu waxa ay soomaliland ka noqdeen intii ay xukuumada Silaanyo dalka ka talinaysay 200%, markaasay Waliba isugu Faan ka dhex noqotay Bulshada weynta reer somalialnd.

Waxa aan ku soo afmeerayaa Gabaygii Ismail Mire AHNX:

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.

By: Mohamoud Mohamed Abdilahi

Yorkshire