Siyaasiyiinteena Jar-kaboodka ah (Our Cowboy Politicians)

Siyaasiyiinteena Jar-kaboodka ah (Our Cowboy Politicians)

 ahmed ciise

Maqaalkani oo ka mid ah  maqaalada aan kaga  waramo arimaha bulshada iyo horumarka dalkeenu ku talaabsaday ayaa waxaan bulshadeena iyo kuwa caalamka  ugu soo bandhigaa badhaadhaha dalkeena. Maqaaladaasi waxaan kaga xog-waramaa   waayo aragnimadaydda arimaha siyaasadda ee aan kaga mid ahaa  asaasayaashi asaxaabta mucaaridka ee suro galiyey inaynu ka digo rogano siyaasaddii axddi qarameedka iyo aqoontayda arimaha bulshada. Maqaalkan (academic article) ayaa waxa uu u baxayaa suaasha ah sideeba seeto iyo dabar loogu dhiggi karaa siyaasiyiinteen jar kaboodka ah (our cowboy politicians) ee magac xumada iyo dhiig baxa dalkeena ku ah ee ka baydhay anshaxii iyo adaabtii (the ethics of politics) siyaasadda?

                                                                                                                              

Intaanan darka ceelka gunta ugu dhicin   yoolka maqalkan, suaashu waxay tahay, waa kuwee siyaasiyinta jarkaboodka ahi? Siyaasiyintaasi waa muxaafid iyo mucaaridba aan dalkan u tudhayn oo aqoon gaba ah oo malin walba qarankeena ku ah boog kansar ah (cancerous tumour) oo bulshadeenii ku sii faafaya. Kuwaasi waa gofanayaal iskuhaysta inay dalka dayn ku leeyihiin oo qayladoodii iyo sawaxankooddiiba  bulshaddii caalamka ee inagu soo dhiiranaysay e rabatay inay malgashadaan dalkeena durba shaki iyo walaac ku abuuray.

 

Maanta waxaa nasiib daro ah in dalkeeni siyaasiyiin yar oo faro kutiri ahi ay akhlaaqaddii iyo edaabtii siyaasada (political ethics) ay ku durduriyeen oo dabar goosteen . Maanta aduun waynihii waxay leeyiihin (Somaliland will be the new middle east of horn Africa) shidaalka iyo macdanta ku duugan awgood. Waxana maali dhaw dhici doonta in dhalinteena 80% shaqo la’aantu ku hayso ee badaha ku dhamaaday dalkooda ku xasili doonaa oo waliba  inay dalkeena loo-soo haa-jiri doono. Waxase maanta nimcadaasi durba ood soo jabinaysa haraati iyo gujo ku haya siyaasi jarkabood ah oo aan dal iyo dad toona u tudhayn.

 

Maanta shacbiga Somaliland waxaa la gudboon inay cambarayn wajikaga ka dhuftaan siyaasiyga maalin walba maddaxwaynaha Somaliland iyo maddaxda golayaasha af xumada iyo akhlaaqad xumada la hor fadhiya. Maddax waynaha Somaliland waxa uu huwan yahay karaamada shacbka Somaliland – qaranka Somaliland ma gayo in maddaxddiisa u sareeysa weedho aan qaban lagula dul kufo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo runtii horumar aad wayn ayuu dalka u horseeday intuu caynaanka dalka u hayey. Horumarkaasi waa mid kor u qaaday dhaqaalihii dalka oo sanadkii ugu horeeyey kaliya misaaniyaddii dalku saddex laabmatay (thanks to governments anti-corruption policies and efficiency in taxation. (Today Somaliland was said to be the least corrupted in developing world) – taaasi waxay horseeday in cidamaddii iyo shaqaalihii dawlada  100% loo kordhiyey mushaarkooddii, sugida xuduuda, lacag ka badalida bariga Somaliland.

 

Dabcan dhinaca kalena dawladdu way leedahay dhaliisheeda – Cabudhinta saxaafada, dilkii saraakiishii qaranka ee ka dhacaday qorri-lugodd oon dawldu soo qaban gacan ku dhiiglihii, siidayntii askariga Booloska ee iskudayga dil kula kacay, tafatiriihii wargeeyska HUBAAL, iskudaygii dil ee sidoo kale lagula beegsaday xildhibaan qabiile, intaasiba ay ahyeen dhacdooyin fool xun oo ugub ku ah  dalka kana  dhacay intuu uu caynaanka dalka u hayey maddax-waynaha imika (under the watch of our incumbent president).

 

Balse dhaliilahaasi dawladdu leedahay looma marin dariiqii ku haboonaa oo waxaa la qaaday  dariiq khaldan oo qaranka dhiig bax ku ah. Waxayna u muqaata in mucaaridku aan ka mid kahay anay lahayn bisayl siyaasadeed, ismarkaan anay lahayn karti, qorsho dhaqaale iyo mid bulsho oo u meel yaal oo dalka ay ku hantaan. Balse hadday wadaddii cadayd ay dib cagta u soo saraaran ay fursad dahabiya haystaan – tasoo kow ay ka tahay in asxaabta mucaaridku ay dibu habayn mugleh isku samayeen korna uga foofaan siyaasadda qaranimadda Somaliland boogta iyo barta madow ku ah, ogaadana  in qaranka Somaliland uu ka mug wayn yahay mid nin kaliya  u gablami kara iyo doorasho halkad gasha.

Maddaxwaynaha Somaliland isna waxaa la gudboon in dhaliishii iyo talada mucaaridka hoos u ego oo la isu joojiyo oo doorashaduna malin kaliya ayna dhaafin wakhtigeeddii. Islamrakaana aqoonsado maddaxwaynuhu  inaay khalad ahyid in siddii halyeeggii guusha u horseeday ugu lisay aanu ugu hambayn – Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Taasina dhaxalsiiso xukumadda hada inay  lumiso taageeraddii ay u bahnayid sii ay kursiga ugu sii nagaato (Government could not only  lose votes but its deposits)

 

Isku soo xori, jawaabta suaasha maqaalkaygani waxay tahay in bulshada Somaliland siyaasigeena jarkaboodka ah in la kobciyo garaadkiisa siyaasiga ah islamarkaana lagu xidho dabar iyo seeto adag oo wacyigalin ah  si aanu qarankeena curdunka ah ugu durdurin sidii awar dabar la’aan dhacay. Masuuliyaddaasi waxay saran tahay aqoon yahanka, maddax dhaqameedka, siyaasiga samakataliska ah iyo haldoorka Somaliland. Fariinta maqaalkayguna waxay tahay in qaranka loo tudho oo saxaafaddu waliba masuuliyad dheerad ah iska saarto oo ay ku xakamaynayso raga faro kutiriska ah ee dalka jarka dalkeena ka tuuraya een cidna laxel jeclo kalahayn.

 

Waa argtidii, Axmed Cabdi Ciise

Academic in Social Science

 

What is your thought on this article? Please email me your comments directly to: isseahmed@hotmail.com