S/land iyo maanta yaa u dabara? maxaa ii damaanada (Gaariye iyo dabataxan 2009)

 S/land iyo maanta   yaa u dabara?     maxaa ii  damaanada (Gaariye iyo dabataxan 2009)

FLAG
Mahad dhamaanteed waxa iska leh Allaah  inna abuuray inna irsaaqaya ee inna hannuuniyey.
 
ma rabo inaan ararto ,Bani’aadanku waxay  u baahan  yihiin in ay helaan cid dammaanad qaada NAFTOODA, MAALKOODA,DIINTOODA , iyo SHARAFTOODA. waa inta islaamku inna amray in  la ilaasho. cid kastaana way u baahan tahay, kan madaxda ah ,kan maalqabeenka ah ,kan miskiinka ah,ogow  berri xaaladdu waa is beddelaysaa sidaas ma ahaanaysid ku xisaabtan  ,hadaba waa in qof waliba dhinaciisa ka baadi doono sidii lagu heli lahaa Allaha koonka maamulana la talo saarto.
 
Maansayahankii Gaarriye Allaah naxariistii janno haka waraabiyo isaga,innaga  iyo waalidiinteen iyo dadka mu’miniimnta ahba ,wuxuu tiriyey maanso magaceedu ahaa Dabataxan waxaan filayaa inay ahayd 2009.
waxay ka tarjumaysaa mustaqbalka dalka iyo damaanadiisa. waana arrin u baahan in la helo cid dabar ah(xidhe) oo haddii cidi samayso xad-gudub ,  gaar ahaan kuwa xambaarsan masuuliyadda bulshada  ha noqoto ,dawlad,hogaamiye dhaqameed ama kuwa sheeganaya mucaradka.
 Dadka qaar baa yidhaahda sharci baa inoo yaal,kaasaa inna xidhaya , haddii sharciga laftiisa la jebiyo  ma lihin cid inna qabata. waa in la helaa meel loo irkado oo aan la iibsan karin.
Maanta waa la yaaban yahay ,dawladii waa yaaban tahay,shacabkii waa yaaban yahay,mucaaradkii waa qalinayaa  maxaa khaldan? “waxa khaldan  Nin raggi waa garanayaa nacasna loo sheegi maayo” runta hala qaabilo danta gaarka ahna halaga door bido tan Guud  labadaba waa la helayaa markaa.
 
Anigu waxaan soo jeedinayaa :
 
1. in la isdhagayso, lawada tashado wixii khaldan la saxo, cid dhexdhexaada la helo  oo ilaahay taqaan, wixii deelqaaf ah la joojiyo  waayo  hadalka xumi  wuxuu niyadda ka dilayaa shacabkii iyo  ubaxii soo kacayey oo khalad ka fahmaya nolosha lamana dawayn karo inta ay nool yihiin,dawladnimadeena ayey sharaf dhac ku tahay.
 
2.in la  samaysto wax inoo damaanada  dhinacyada saamaynta ku leh nolosheena (siyaasadda iyo khayraadka dabiiciga ah)  waana inay ka soo bilaabanto dadka shacabka ah iyo tuulooyinka iyadoo aan qabiil la eegayn ,mushkilad malaha guddiyada ka socda qabaai’lku hadday shiraan oo wax khayr ah ku shiraan waxna meel isla dhigaan ,qabyaaladana halaga fogaado , taas ayaan ku helaynaa liibaanta , tan waxaan uga  jeedaa dawladuhu  waa is beddelaan mar-walba wax lagu talo geli karo maaha waxaa soo bixi karta mid cadowgaagu soo saaro oo iska leeyahay  oo aan dadka u danayn. waynu og nahay wixii ina soo maray ilaa 1960.
3.in la ilaaliyo   ballamaha(Al-cahdi)  kuwa ashkhaasta,kuwa shirkadaha iyo kuwa dawladaha. Hadaad ka baxdo waa taariikh madow if iyo aakhiraba waxayna kugu keenaysaa in aan heshiish lagula gelin , kuwii aad gashayna  la bur-buriyo dabadaa.
 
4. in wax kasta oo la qabanayo la tashado cidda cilmigeeda leh oo waliba khibradina u dheer tahay
(not Junior) aammina ah oo aan khiyaamo looga baqayn.
 
 
WABILLAAHI   TOWFIIQ
 
Adan Noor          shalqane@hotmail.com