SOMALILAND DAWLADNIKMO MISE QABYAALAD IYO SADBURSI XAALKA KHAATUMO STATE.

HABIIL

Waxaan dhammaanteen kawarhaynaa xaaladii dalka somaliland kusugnaa doorashadii ugu dambaysay ee ahmed siilaanyo kuguulaystay daahir riyaalana uu ogolaaday inuu xilka wareejiyo,xaalada somaliland maalintaas iyo maanta farqi weyn ayaa udhexeeya, dagaalo ayaa kabilaabmay gobolada khaatumo looga dhawaaqay waxaana noo muuqata in khaatumo siyaasadii caalamka kuguulaysatay oo taageero badan ay kaheshay somaliya dawladeeda iyo wadamada geeska afrika waxaa khatar kujira qadiyadii somaliland ku faanijirtay ee ah inay tahay dal nabdoon kuyaala geeska afrika oo ololaya doodaasi way dhamaatay, cadaalad darada kajirta awood qaybsiga somaliland iyo jujuubka shacabka sool kunool oo umuuqda bilawgii burburkii somaliland, dawladnimadu maaha in go’doon lagaliyo shacabka masaakiinta ah ee maafiyada aaminay, waxaa soo baxay daldaloolo badan oo sababi doona in somaliland si toosa ay ubur burto ta ugu darana waa doorashooyinka soo socda haday dhici waayaan ama mususqmaasuq lagu boobo in burbur siyaasadeed oo kala yaac iyo niyad jab kunoqondoona shacabka somaliland uu dhici doono, dhaqaalaha somaliland oo imika meeshii ugu liidatay maraya iyo cadaaladii oo lalaalay habayaraatee wax maanta lagu aamini karo xukuumada dalka kajirta majirto xitaa guryihii dawlada ee reserveka ahaa waa laboobayaa waxaan loo samaysanayaa sharci private ah oo hanti shakhsi ku sheegaysa hantidii umada ee maguurtada ahayd baa sidaa loo boobayaaye maxaad umalaynaysaa lacagta kaashka ah ee canshurta kasoo xaroota iska daa xatooyee xitaa bangiyada yurub baa yaa ban lacagta xooga leh dadka soo dhiganaya ee sanado kahor aan xita 1000 dollar ugu soo dhici jirin maantana ay ugu jiraan dhawr million oo dollar halka shacabka ay waxay cunaan la’yihiin. taas oo dalka kajirtaa waliba kursigiina laysku dhajinayaa badheedhka dalka kasocda waa kii lagu kala tagim lahaa oo dalkana uu gacanta ugu gali lahaa meel aan munaasab u ahayn in lahoos geeyo oo haday kafursan weydo ay tagi doonto. waxaa dhanka kale kasocda olole lagu soo afjarayo laguna go’doominayo somaliland oo runtii fursad lagu helay dayacnaanta madaxtooyada oo siilaanyo hawlgab ah iyo biibiilayaal taladii dalka hagaya oo xitaa garan la’ badbaadada dalka iyo midnimda shacabka inay ilaaliyaan, safaaradaha caalamka oo dhan muqdisho ayey soo dageen report joogta aha ayaa somaliland lag qoraa oo loo dhiibaa waxaan ugu horaysa shacabka khaatumo state iyo madaxdoodaba inay kudulmanyihiin soamliland oo xoog kuhaysata deegaanadooda iyo petrool oo kabuuxa sool wasiirka macdanta iyo petroolka somaliya oo ah nin kasoo jeeda sool kuna fadhiya kursigii caalamka wax uga baahnaa waayo heshiisyada caalamka lala galayo waxa saxiixaya wasiirka macdanta hadaad uhaysato inay wax gacanta ugu jiraan hussen ducaale waa wasiirka macdanta somaliland ee waa riyoonaysaa wax uu kala ogyahay maba jirtaba dalka somaliya ayaa heshiisyada lagu kala saxiixdaa puntland iyo khaatumo ayaa maanta kamaqaamsareeya somaliland sabatana waxaa keenay beenaalayaasha shacabka beenta kumaaweeliya ee ku riyoonaya inay wakhtiga kordhistaan iyagoo fashilmay madaxweynaha puntland wuxuu kufadhiistay kursigii somaliya ee shirkii afrika maalgashiga halka madaxweynaha somaliland na lagu soo lugooyey shir heer hoose ah oo ay soo abaabuleen shirkado somaliland laga leeyahay oo dhaqaalo gooni ah ku qaba sidan fawdada ah ee soamliland kujirto shacabkana been lagu maaweeliyo iyo uk somaliland investment aqoonsi dawladeed ninka kuu diiday lacag uu leeyahay kuu dhiiban maayo hadaad inataa fahmi weydaan waligii dawladnimo mafahmaysaan mana gaadhaysan, waxaan usoo jeedinayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee salaanmedia maqaalka ka akhrinaya inay isweydiiyaan 23 sano kadib maxaa maanta keenay in doorashada inay qabsoonto laysugu haystaa hadii dawlad loo jeedo waxa lasamaynayo lama sameeyeenee dawladnimo kadheer somaliland qabyaalad iyo sadbursi waa ta halka dhigtay somaliya tii baa maantana soamliland laga wadaa xaafado gooni ah baa dhaqaalo urursi iyo malaxda xaaraanta ah ee laga dhacayo canshuurta shacabka dhibaataysan laga soo ururiyey ee dekeda iyo madaarada dalka shacabka suuqa bacadka lafadhiya wadhatada iyo mucaawianada magaca masaakiinta lagu soo baryey in lakala boobo dawladnimo laguma gaadhayo waana lagu kala dhinmanayaa barrina waxaa iman doonta in suuqa laysku toogto oo laysku boobo, waxan kusoo gabagabaynayaa ilaahay haloo noqdo kitaabkiisana sharci halaga dhigto xaqdaradana hala joojiyo.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                             GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA                                                                                                PHILOSOPHER; HAABIIL CABDI HAYBE