SOMALILAND OO QARKA USAARAN INAY BURBURTO IYO NABSIGII SHACABKA KHAATUMO LAGA GALAY OO QARQARXAYA

HABIIL

Waxaan dhammaan ka dharagsanahay somaliland dulmigii kasoo bilaabmay khaatumo iyo gobolada bari oo maanta ka qarxay hargaysa iyo burco waxaana noo muuqata in taladii somaliland ay gacanta ugashay dambiilayaal uu hogaaminayo xirsi iyo baashe iyo waris oo ah madaxweynaha dadban ee somaliland, waxaa noo muuqata waaga cusub ee somaliland ubilaabmay  inuu noqon doono kala yaac iyo burbur heerka ugu xun iyo boob hantida guud iyo ta gaarka ahba, waxaa iman doonta in dariiqyada laysu fadhiisan doono oo gawaadhida layskala dagi doono oo dilal iyo xad gudubyo toosa ay dhici doonaan taasna ay masuul kanoqondoonaan cida masuuliyad loo doortay.      

 Waxaan leeyahay ilaahay haloo noqdo cafisna halawaydiisto shacabka sool iyo sanaag bari ee khaatumo nabsiga iyo dambiyada,bara kicinta lagu hayey sanadihii lasoo dhaafay magaalooyinka taleex, buuhoodle, saaxdheer iyo xudun,awr boogays kuwaasoo kuligood dad shacaba ku dhinteen cid ka hadli jirtayna aanay jirin.                                  gabagabadii waxaan leeyahay waxa dhacaya ee burco iyo hargaysa kasocda waa wax ay wadan masuuliyiinta dalka masuulka ka ahayd in ay ciidamo kudaadiyaan  saqdii dhexe xalay hargaysa iyo wadooyinka magaalooyinka udhexeeya, waxaan leeyahay haloo noqdo ilaahay oo hala joojiyo fawdada iyo kicinta dadweynaha.                                                                                                                                                                                                                            dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane alaha unaxariistee  cabdilaahi suldaan tima cade gabaygii maanta taagan waxay cadaynaysaa inaan qabyaalad dawlad lagu noqon karin qabiilna qaran noqon karin.                                                                                                                                                                                                              

HOGAAMIYAHA XISBIGA SHACABKA

GEESKA AFRIKA                                                                                                

 PHILOSOPHER;

HAABIIL ABDI HAYBE.