Talisyow Wareersani war li’idaa…Qoyska Silaanyo haday talada deeq bixiya yaasha diidaan iyagay dambarsan by Abdi Mustafe

MAQAAL

Talisyow Wareersani war Li’idaa, haday dhacdo in taliskan hee haabayaa uu diido taladii deeq bixiya yaashu siiyeen bishan afarteedii ee ahayd in uu doorashada waqtigeedii ku qabto waxa ka goa’n inay faraha kala baxaan Somaliland oo ay Xamar awoodooda isugu geeyaan. Hadii Silaanyo iyo qoyskiisu ku naaloonayaan waxaydin kala dili Somaliland iyo deeq bixiya yaasha wey riyoonayaan oo waxa dhalin yarada dalka ka goa’n in ay sameeyaan mid la mida ta ka dhacday dalka Burkina Faso. 
Qoyska Silaanyo ilaa la qalo indhahoodu cirka arki maayaan. Waxaan uuga jeedaa caqli African bay leeyiin oo ilaa Golaha Guurtida la gubo oo golaha wakiilada la gubo oo loo yaaco dhinaca madaxtooyada si loogu daato waxan socda rumaysan maayaan. Khamiistan dhalin yaradu mudaharaad balaadhan bay ka wadaan Hargiesa…. Gabiley dhalinyaradii baa isugu tagtay iyo Borama, waxan oo dhan markaad isu geyso waxay ku danbaynaysaa in madaxtooyada hor teeda Silaanyo la jiid-jiido hadaan inta ka horeysa aanay caqliga ka shaqeysiin oo aanay dalkan bad baadin iyo naftoodaba. Dhalin yaro kacday cidi isma hortaagi karto waxay doonayaana way helaan. Hadaba Amina Weris yaa uugu dhaaranaya in aanay dhacayn in dalkan doorasho ka qabsoomi weydaa oo weliba aanay iyagu heli doonin ee mucaaradku ku ruqaansan doonaan kursiga. Bye Bye Amina Weris and take a good care of Silaanyo in London.

Abdi Mustafe 

abdi_mustafe123@yahoo.com