TUUG LA XIDHXIDHAY​O

gabay

 

 

 

 

 

 

5 / 11 / 2014

TUUG  LA  XIDH XIDHYO

Waa  keene  iyo  kordhiye.

Keene. Waar  yaa  kordhiye  saaxiib .

Waxa aan  ku  wey  diiyay  ma  haysaa

Sheekadii  beerta  boqorka.

Kkordhiye . saaxiib  taasi  waa  sheeko  caana.

Cidwaliba  way  taqaanne  maxaad  uga  jeeddaa.

 

Keene. Saaxiib  bal  ii  sheeg  haddaad  garanayso.

Kordhiye. Saaxiib  waxa  weeye  nin  boqora  ayaa

Waxa  uu  lahaa  beer  aad  u  weyn  oo  midha  badan

Oo  nooc  waliba  ka  baxo.

Dabeed  maalin  maalmaha  ka  mida  ayaa  boqorkii

Warbixin  soo  saaray  sheegaysa  in    beertii  berrito

Ay  Bilaash  tahay.

Dadkii  oo  dhanbaa  soo  galay  beertii  qof  waliba

Wixii  uu  qaadan  karaa-yay  ayuu  soo  qaatay.

Waxa  la  qabsaday  kiyuu  dheer.

Dadkiibaa  kala  socon  waayay  dabeetana  mid  xagga

Hore  ka  soo  noqday  . ayaa  mid  weydii-yay  waxa  jira.

Wuxu  yidhi   waar  waxa  dhacay  midhuhu  bilaash  maaha

Qofwaliba  waxa  uu  sito  dabadaa  laga  gelina-yaa.

Markaa  waxaad  yeeshaa  burtuqaalkan  weyn  iska  dhigoo

Liin  yar  soo  qaado.

Wuxuu  ku  yidhi  waar  anaa  la,i  qaatee  bal  kaa  eeg

Xabxabka  weyn  sita.

Sheekadu  waa  taase  maxaad  uga  jeeddaa.

Keene. Saaxiib  waxaan  uga  jeedaa  qaar  boobay

Hantidii  qaranka  oo  mooday  waxa  dawladda  inay

Kolba  ciddii  dawladda  haysataa  ay  leedahay.

Waxaanay  kala  garan  la,yihiin  dawladdii  iyo  shaqaala-heedii.

Waxa  ka  maqan  inay  shaqaala  yihiin. Waxanina   ay 

Ammaano  yihiin  lagala  xisaab  Tamayo.

Haddaan  ku  noqdo  ujeedadii  beerta.

Waxa  weeye  sidii  loo  kala  badsaday  hantidii  qaranka

Xadisteedii  ayaa  xadhigaa  loo  kala  badsana-yaa

Dacwaddana  waxa  lagu  soo  oogayaa.dad  badan

Oo  isugujira  wasiiro  qaar  ka  sareeya

Iyo  qaraaba-dooda.

Dacwaddu  waxay  bilaab  maysaa  2016  intaa

Ka  horraysa  qofka  isdaba  qabta  ee  is kasoo  celiya

Hantida  qaranka  waa  la  saamaxa-yaa

 

Mahadna  (ALLAA  )  IS  KALE

 

KEENE  IYO  KORDHIYE

Guuleed  liibaan (caynabo )