Warsaxafadeed…Ururka Horumarinta Ee Hablaha Garoodi Uk Oo Doortay Hogaan Cusub

35

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nov 3, 2014 Hargeysa (SM) – Kulanka balaran oo isagu yimadeen Ururka Horumarinta ee Hablaha Gaaroodi oo ka soo qayb galeen dhamaan xubanaha Ururka ee Uk ayaaa waxa uu ka qabsoomay Hotel Nomad Restuarent ee ku yaala Galbeedka Magaaladda London ,Ururkan oo ka hawlagala Somaliland dhinaca horumarinta ayaa 5tii sano mar doorta hogaan cusub ugana mahad celiya hogaankii hore .

yaa

gar

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeentii waxa goobta ka hadashay Gudoomiyahii hore Marwo Maryan Xaaji Faarax oo ka hadashay wax qabadkii Shantii sano iyo gulahii ay gadheen ururka sida Dhismahaa Dhaqtarka Umulaha ee Salaxlley iyo ka qayb qadashada Qadhaanka Wadada Cad soo dhawayntii madaxda Somaliland iyo wafuudi ka socota dalka , waxa kale oo goobta ka hadashay Marwo Asia Faarax Muuse Gudoomiye ku xigeenkii hore ururka oo iyaduna u mahad celisay xubnahii ka soo qayb galay kulankan ugana mehed celisay dhamaan Hablaha Garoodi meel kasta oo ka jogaan aduunka sida balran ee ay uga qayb qateen dhismaha iyo horumarka dalka gabagadii waxa xilka lagu wareejiyey hogaanka cusub oo Gudoomiye loo doortay Marwo Sahra Cumar Cabdi oo u mahad celisay gudidii hore soona dhawaysay gudidan cusub waxanay Ilahay ka barisay in uu ku guleeyo xilkan culus ee ay qaday waxayna tilmaamtay inay sii laba labi doonto waxa iyadana gudoomiye ku xigeen loo doortay Marwo Layla Suldaan Cabdiqaadir oo iyana u mahad celisay dhamaan Hablaha Ururka Garoodi waxanay sheegtay in ay sii laba labi donaan hawlaha samafalka gabagabadii waxa lagu soo gunaanaday hadaloo waano iyo duco ku jirta iyo sidii loaga madho dhalin lahaa mashruuca waddada cad iyo horumarinta deeganka Hablaha garoodi iyo shanta sano ee soo socda.


Nasir Mohamed

 naasir72@gmail.com