Ururka SODRA Oo Qabtay Tartan Suugaaneed La Xidhiidha Wacyigalinta Tahriibka + SAWIRRO

imageimage

Nov 9, 2014 Hargeysa ( SM ) – Tartankan oo ay soo qaban qaabiyay ururka horumarinta iyo cilmi baadhista ee SODRA ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada,Abwaano,qorayaal iyo Sugaanyahan dhalinyaro ah.
Tartanka ayaa waxa loo qabtay Toban hal abuur oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku tartamayay suugaantooda la xidhiidha wacyigalinta Tahriibka.
Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo tartan Suugaaneedkaasi furey ayaa dhalinyarada waxa uu kala dardaarmay dhibaatada tahriibka iyo dal ka cararka,waxaanu u mahad celiyay ururkan soo qaban qaabiyay Tartan suugaaneedkan dhalinyarada lagaga wacyigalinayo khatarta tahriibka.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi Casiis Maxmaed Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay boqolaal dhalinyaro ah oo iyagu iska wacyigalinaya khatarta tahriibka,waxa aanu balanqaaday Abaalmarino uu gudoonsiin doono tobanka hal abuur ee suugaanta ku tartamayay.
Gudoomiyaha Jaamacada Golis Prof Siciid ayaa waxa uu sheegay inuu tobonka Hal abuurba siinayo waxbarasho jaamacadeed oo bilaasha ,waxaanu sheegay inay ku mutaysteen dareenka ay kula hadlayaan dhalinyaradooda ee ay kaga wacyigalinayaan khatarta tahriibka.
Gudoomiyaha Ururka Horumarinta iyo Cilmi Baadhista SODRA Md. Axmed Shaqale oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa ka waramay ka urur ahaan sida ay u wacyigaliyaan dhalinyarada Reer Somaliland ,waxaanu tilmaamay inay u taaganyihiin sidii dhalinyarada Somaliyeeed gacmaha isku qabsan lahaayeen shaqooyina loogu Abuuri lahaa.Gudoomiye Axmed Shaqale waxa uu sheegay inay tartankan mudo badan niyad ku ahayeen Allena ku guuleeyay inuu si wanaasgan ugu dhamaado.
Nada Yuusuf Cumar Ku xigeenka Gudoomiyaaha Ururka SODRA ayaa faahfaahisay aas aaska ururkan iyo waxa uu u taagan yahay iyo intii uu jiray guulaha uu gaadhay
Qoraa Boobe Yuusuf ducaale oo isaguna kulanaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay inay dhalinyarada Somaliyeed leedahay mustaqbal ifaya iyo suugaan yahan badalay kuwoogii ka baxay,waxanu sheegay inay tobonka hal abuur ku wanaagsan yihiin mawcduuyada iyo badaha suugaanta ee ay dhexmushaaxeen .
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo SamSam Cabdi Aadan oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay dhalinyaradan iyo ururka SODRA-ba ku amaanan yihiin inay dhalinyarada wacyigalinayaan,waxanay sheegtay in qof kasta oo dadaala oo dalkiisa joogaa horumar gaadhi karo,waxanay dhalinyaradan ku boorisay inaanay ka daalin wacyigalinta dhalinyarada ,dal ka cararkana joojiyaan.
Gudida kala saaraysay oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Haldeeq,Abwaan Oday,Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr iyo Prof Xujaale ayaa sheegay inay tartanka u kala saareen sid daacad ah oo ka madhan qof jeclaysi iyo garasho toona.
Tobankii Hal abuur ayaa waxa kaalinta koowaad u gashay deeqa Nuux Yoonis
Kaaalinta labaadna waxa galay Yaasiin Maxmaed Faarax(Madaale)
Kaalinta Saddexaadna waxa galay Yaxye Cabdi Cali(Yeebaash) kuwaasi oo madashii lagu gudoonsiiyay Abaalmarinihii ay mutaysteen.
Tartankan waxa maalgaliyay Shirkada Telesom,Asal,Sagal,Meecaad,Sonyo iyo Jaamacada Golis.