Waa caadadiise, Ceebtii Ma’aha

Waa caadadiise, Ceebtii Ma’aha

maqaal

Maxaa lagu yaqaanaa xukuumadaha Africaka markay doonayaan in ay boobaan awooda maamulka dawladnimo,  Waxay cabudhiyaan saxaafada, waxay sifoolxun uisticmaalaan awooda dawladnimo ee ay gacanta ku hayaan, waxay ishortaagaan waxii kahoryimaada sida foosha xun ee ay wax umaamulayaan iyo nidaamkooda, waxayna ku tuntaan dastuurka qaranka, kuna xadgudbaya biniaadamnimada, iyo hanaanka dawladnimo.

 

Waxaa shalay subaxnimadii magaalada hargayisa  la weeraray xarunta baarlamaanka, kadib markii ciidamo ka tirsan ciidamada ladagaalanka argagixisoonyinka ee marka la soogaabiyo loo yaqaan magacooda  RRU. ay sifoolxun isugu xaydaameen xarunta baarlamaanka Somaliland kana eryeen ciidamadii illaalada Baarlamaanka , kuwas oo iyagu fulinayay amar ka soobaxay maamulka Dawlada Siilaanyo.

 Warrarka naga soo gaadhaya caasimada Somaliland waxay intaa ku darayaan in ciidamadaasi ay badalayaan ciiidamadii illaalada ee xarunta Baarlamaanka, balse illaa hada may shaacinini sababta keenta in xiligan badal lagu sameeyo ciidanka illaalada xarunta baarlamaanka.

 

Waxaa kaloo lafilayaa in maalinta sabtida nagusoobeegan lasoo bandigo mooshin ka dhan ah guddoomoiyah baarlamaanka Somaliland Abdirahman Mohamed Abdillaahi Ciro, sidii xilka guddoomoye nimo looga xayuubiyo waa sida ay warar xogogaal ihi cadaynayaane.

 

Guddoomiyah Baarlamaanka Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullaahi Ciro, ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaardika ee Waddani oo isagu safar ugu maqnaa Gobolada Saaxil iyo Toggdheer ayaa lasoosheegayaa in uu sidagdag ah ugu soo laabto Caasimad Hargaisa, Kadib markii xaalda baarlamaanka Somaliland ay carqaladi soo food saartay.

·        Britain oo ka Walaacsan Xaaladda Somalia:

 

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay walwal ka qabto degenaansho la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Somalia, waxeyna ugu baaqday dhinacyada oo dhan in khilaafaadkooda ay ku xaliyaan hanaan siyaasadeed.Warkan ka soo baxay dowladda Britian ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqiyo cod loogu qaadayo motion ka dhan ah Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed iyo dowladiisa.Britian waxey intaasi ku dartay in xasilooni daridda siyaasadeed iyo khilaafka madaxda sar sare inuu halis ku yahay, isla markaana uu wiiqayo horumarada ay dhawaan sameysay Somalia.Qoraarkan, ayaa lagu yiri “ khilaafkan waa mid xagla daacinaya, dibna u dhigi kara ku sii socoshada dariiqqa muhimka ah ee la hayo si loo samata bixiyo Somalia”.

Xilliga Mushkiladdan ay ku soo beegantay, ayaa ka dhigaya mid laga qoomameeyo, halkii diiradda laga saari lahaa dariiqa siyaasadeed ee 2016ka iyo shirka lagu balansanyahay in todobaadka soo socda lagu qabto, magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.Qoraalka Britain ayaa ku soo beegmay, iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay soo saartay qoraal ay wel wel kaga muujisay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Madaxweynaha iyo Ra;isul wasaaraha Somalia.Qoraalkaas ayuu Mareykanka ku muujiyay inuu dhexdhexaad ka yahay murankaas.Dhinaca kale Jaamacadda Carabta ayaa wada dadaal ay ku dooneyso in dalalka xubnaha ka ah ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Somalia.Khilaafka Madaxda dowladda ayaa loo arkaa mid halis ku ah amaanka iyo horumarka somalia.Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal amaan darro oo lagu ugaarsanayo saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda.

 

 

By: Abdirahman Ismail

 ( B  U  U  N  I  )