Waagii Oo Baryaan Moodayee Illayn Waaba Gabal Dumay!

maqaal

Sida inteena badan ogtahay baryahaanba waxaa jiray warar sheegaya inay dhalinyarada Somaliland qabsan doonto shir lagaga hadli doono danaha dhalinyarada , iyo dalka. Warkaasu waa war moogaantaydee  waa ideeqay, aad iyo aadbaan ula dhacay waxaanan naftayda usheegay odhaah gaaban oo aan shirkaa kadhex akhristay, “Waagaan sugaayaybaa baryay Aloow noo barakee”,  maxaa yeelay waxbadanbaan isu dayay in dhalinyarada Somaliland dalkaan iyo dadkaanba talo midaysan ula yimaadaan, inay isaga hadhaan qabyaaladda, musuqa, cadaalad daraada, jahliga , aqoon la’aanta iyo ninjeclaysiga oo ayagu isu tashadaan. 
Wax badan baan jeclaa inay samaystaan waddo cad oo aay mustaqbalkooda u maraan . goobo badan oo aanu isugu nimid ayaan ku qanciyey in dhalinta aqoonta leh mar walba u dhaqanto sidaan si ka duwan oo talo nimay ku hadhay bay hawli haysaaye inay taladaasi talo kadhigaan, maadaama oo aan ahaa ruux sidaa ugu ooman horu dhigga ama horumarka dhalinyarada waxaan soo dhaweeyey shirkaasi dhalinyaro. laakiinWarkaan maqlay ee  ifarxad galiyey markaliya ayuu isu badadalay war inaxdin galiyay, waagii oo baryaan moodayee, Illayn waaba gabal dumay. 
Warku waa dhalinyaro reer soomaalilaand ah laakiin waa dhalinyaro isugu yimid qabyaalad, waxay ka kala socdaan ururo qabyaaladeed oo wadanka kadhaqan galay, Daallo , Jiidali iyo Gurmad oo ah ururo lagu yaqaanay inay u adeegan barnaamijyo ay haboonayd in laga guuro oo ay umaraan waliba nidaam qabyaaladaysan. canaaanan iyo ceebaa ina raacday anaga oo dhalinyaro wax baratay sheeganayna ayaynu haddana ku talinaynaa wax dhib mooyee waxtar loo ogayn, wax hadda caamaygu ku gula talinaayo in layska daayo.

Dhalinyarada oo shirta waa wax qaaliya , waa mid aniga ruuxadadaydu waxbadan aan dhalinyarada kala hadlay, laakiin shirkan dhalinyaradani waa shir mustaqbalkeena waxbadan dhaawacaya, waa jid xun oo dadkeena loo jidaynayo waayo dhalinyaradan warkoodu suuqa kujiro waxay cadaynayaan in kasoo jeedaan Saddex beelood oo Somaliland ah, hayeh fiiri Somliland ma sadexdaas oo kaliyabaa? waa maya markaa taasu ma keenaysaa wanaag iyo dhalinyaro isu timaad? Waa maya iyana. waxay keenaysaa in dhalinyartu isu hub urursato oo kuwa hadda laga garabsaday ee qabiilada kale kasoo jeeda ayaguna layimaadaan shirar kale oo is garabsi, sidoo kale waxaa dhaci karta in ay keenaan dagaallo sokeeye oo hor leh.
midda kale maadaama oo dhalinyarada intooda badan ay waxbarteen, arkeen dhibaatada dalka taalla ee laga gudbi la’ayahay waa inay layimaadaan barnaamijyo ay dhibaatooyinkeena kaga hadlayaan oo aan siyaasadaysnayn, qabyaaladaysnayn, musuqmaasuq kujirin, isla markaana si walba danaheena utaabanaya.  Haddaba dhalinyaradu waaa inay shirto oo ay isu timaado, laakiin waa inay u shirto si ka duwan sidan lagu yaboohay, waa inay u shiraan iyaga oo dhalinyarada Soomaaliland haldoorkeedii ah, ayaga oo ka kala socda gobalada, jaamacadaha, dhalinta inta badan danaha bulshada ka shaqaysa, culimo awdiinka, aqoonyahamiinta iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada iyo waliba ayaga oo ka madax banana nidaamyada siyaasiga ah ee wadanka kajira. 
Waa inay la yimaadaan barnaamij dhaxal gal aha oo dalka iyo dadkaba wax tara, waa inay keenaan wax ka gadisan shirarka qabyaaladda kusalaysan ee ay hadda ku baaqayaan.

Cilmi Baadhe Arimaha Bulshada Iyo Siyaasada 
Maxamuud Daahir Cismaan 
Hargeysa Somaliland
Email:baadigoob@hotmail.comTell:00252-2-063-4085537