WADAHADALADA SOMALIYA LALA GALAYO WAXAA KA HABOON KHAATUMO MADAXDEEDA OO LALA HADLO.

HABIIL

Siyaasad xumada xukuumada ay hogaaminayaan kaashiyeerada xawaaladaha iyo xididka xigaalaysiga lagu hawlgaliyey ee aan lasoo doraanin waxay soo hooyeena aan kawarhayno ceebta dalkii kasocota, waxay cadaynaysaa inaan doorasho dambe rajo laga qabin ee qas lala rabo in wadanka lagaliyo maalinwalba war xun ood kanaxdo ayaa kasoo yeedhaya wixii 20 sano kahor laga gudbay ayaan dib loogu noqday in muran lagaliyo doorasho inay dhacdo, waxaa kaba sii daran guryihii dawlada iyo gaadiidkii xukuuumada oo shakhsiyaad laga iibinayo loona sharciyeynayo, waxaa taas kaba sii daran HCTV  oo ah tv ga kaiya ee geeska afrika ugu wanaagsan in xaruntiisii laweeraro oo laxidho iyo in lasiyaasadeeyo warbaahinta xorta ah oo xoriyada laga qaado oo laxidho waragaysyadii xorta ahaa oodhan.                        waxaasoo dhan waa calaamadaha burburka kusoo socda somaliland nidaamka kajira iyo cadaalad darada waxyaabaha laga dhaxlo oo maanta dhamaantood kadhexmuuqda hab dhaqanka xukuumada wareersan ee siilaanyo.    

 wadahadalada somaliya yaa dalbaday ma somaliland baa rabta mise somaliya wakhti u haysa wada hadal? waxaan aad ula yaabay ceebta kamuuqata kaashiyeerada xawlaada ee siyaasada ku dhexlunsan ee kala garan la’ wakhtiga wada hadal lagalo iyo maantoo somaliya madaxdeedii is haystaan sidee nin hargaysa jooga uu wada hadal muqdisho nimanka isku haysta uu uraadin karaa, waxaa dhaanta somaliland oo khaatumo wada hadal labiloowda inta xasan culusoow oo siyaasada kudawakhsan aad kabaryeysaan wada hadal ceeb baana halkaas ka raacidoonta.            

 

Xisbiyada 3dexda xisbi iyo baarlamaanka iyo guurtidaba waxaan ugu baaqayaa in dib loola xisaabtamo wiilashan xiisaynaya inay turkiga diyaarad uraacaan ee aan garanaynin isbahdilka ay samaynayaan iyo in khaatumo madaxdooda xidhiidh siyaasadeed lala sameeyo oo la saxo khladaadka ay sameeyeen kaashiyeerada xawaalada aan siyaasada aqoonin sidoo kale lasaxaa saxaafada sida xadgudubka ah loola dhaqmaayo hadii kale cawaaqibka ka dhasha laxamilo waxaan dhamaan shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqayaa in taageero loo fidiyo xaga siyaasada iyo macnawiyanba shacabka shabeelada hoose lagu dulmayo iyo in lataageero 3dexda gobol ee kooonfur galbeed  somalia waayo siyaasada somaliya waji cusub ayey yeelatay oo hadaanada saaxiib kulahayn dawladaha kadhalanaya somaliya xumaan baa kaaga imanaysa weyna dhacday dawlada la aqoonsanyahay waa inaad awood siyaasadeed kuleedahay hadii kale meel cidla ah ayaa lagaa helayaa waana waxay garan la’yihiin kaashiyeerada xawaalada ee xukuumada hagaya.          

 gabagabadii waxaan soo jeedinayaa in la ixtiraamo saxaafada oo xadgudubka laga daayo dalkana qaska laga daayo.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                           

gudoomiyaha xisbiga shacabka

geeska afrika                                                                                                                                  

philosopher; haabiil cabdi haybe. Â