Daawo Sawiro…Xafladii Xisbiga Waddani ee Hargaysa laguna soo dhaweynaayey Xildhibaano….

thumb

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa (SM):- Munaasibad aad u balaadhan oo maanta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo taageerayaal mug iyo miisaan culus ku lahaa Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE

 ayaa lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.
Img Description
Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI,hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI,Haween,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Roobleh oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Miisaanka Culus ku lahaa Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE isla mar ahaantaana ay isaga iyo taageerayaashiisuba ay  maanta u soo diga rogteen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu si aad ah uu maanta ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga Muxaafadka ah ee KULIYE uu noqday Xisbi lagu hungobay oo ay shacbiga reer Somaliland ka waayeen waxii waxqabad ahaa ee ay ka sugayeen,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in uu si aada ugu kalsoon yahay in Xisbiga WADDANI uu dalka ka saari karo hagardaamooyinka uu Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ugaystay.
“Horta maanta waa maalin wayn,waa Cashuura oo Illaahy quraankiisa noogu sheegay,waa maalintii ay guulaysteen Nabi Muuse iyo Taabiciintiisii,inaguna maanta qoladeena soo biirtay maanta ayaa aynu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI,Nabi Muuse iyo Taabiciintiisii badas ayaa ay ka baxeen inaguna maanta dooxa ayaa aynu ka talaabaynaa oo xagaas ayaa aynu tagaynaa oo Cirro ayaa aynu u codaynaynaa,oo codkeena siinaynaa,waana ay isu eeg yihiin Labada maal mood,waxaana aynu rajaynaynaa horta guul.Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa samanba waxbaa socda oo dabaylaha waa aynu naqaana dabayshu waxa ay u eegtahay maanta Xisbiga WADDANI sanadihii ugu danbeeyey ee nalagu soo biirayey ee Xisbiga KULMIYE lagu soo biirayey 2009-kii,iyo 2010-kii horaanteedii,ayaa ay maanta u eegtahay oo ay wajigeedii leedahay,oo sidaas maanta WADDANI loogu soo qul qulaayo ayaa ay ahayd,Sanadkii WADDANI ayaa ay u muuqataa ee bushaaraysta.waxaanse guddoomiyaha u sheegayaa horta dadkani ha soo kala hor dhacaan oo anigu qoys odhan maayee,laakiinse waa Subulaha illaa Saaxil weeye.dadkan maanta inagu soo biirayna waxaa ay kala tirsan yihiin oo ay ka kala yimaadeen oo bilaabmaysa Gabilay,Hargeysa,Berbara,Sheekh,Burco illa Ceerigaabo oo ay dhamaantoodbna ku danbayn doonaan Xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Xildhibaan Aareeye oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhankiisa carabka ku dhuftay in Xisbiga KULMIYE  uu dalka galiyey kala qoqobnaan aad u baahsan,isaga oo tilmaamay in muddadii uu ay Xilka hayeena in dalku ay soo wajahday cadaalad darro aad u baahsani,waxaana uu aad ugu dheeraaday halka maanta dalku maraayo isaga oo barbar dhigay waagii ay uu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu dalka haystay.isaga oo iftiimiyey in waagaasi uu ka qabyaalada yaraa wakhtigan hada la joogo.
Waxaa kale oo iyaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo sida oo kale Taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay dhamaantoodba ay carabka ku dhufteen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta ay cududoodii taageero ay  u soo wareejiyaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay dhamaantoodba ay halkaasi ay cod dheer kaga dhawaaqeen in ay si taageeradooda ay marwalba laga garab istaagi doonaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,si baa ay yidhaahdee dalka looga saaro cadaalad la’aanta iyo qabyaalada uu intii Xisbiga KULMIYE dalka Xukumaayey sida ba’an faraha uga baxday.
Xoghayah Guud ee Xisbiga WADDANI,Xildhibaaan Rayte,Siyaasi Siciid Sulub,Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Md:Qodax,iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si balaadhan dhankooda u soo dhaweeyey Siyaasiyiinta,Xildhibaanada,iyo Taageerayaasha kale ee Ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaana ay sheegeen in ay gacmo furan ay ku qabali doonaan ka Xisbi ahaan,iyaga oo iftiimiyey in Xisbiga WADDANI aanu ahayn meel la kala leyahay oo ay cid gaar ahi ay iska maamulato.
Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi soo afmeeray guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana uu ugu horeyn uu sheegay in uu si diran uu u soo dhawaynaayo taageerayaasha miisaanka culusleh ee ku soo biiray in uu si aad ah u soo dhawaynaayo.
“Waxaan aad iyo aad aan u soo dhawaynayaa,Masuuliyiintii,Madaxdii,Haweenkii,dhalinyaradii iyo taageerayaashii ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,kana soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE,aad iyo aad ayaanan dhamaantood aan ugu mahad naqayaa,waxaanan leeyahay ku soo dhawaada Xisbiga WADDANI,qalbi furan iyo gacmo furan ayaanan idin ku soo dhawaynayaa.Siyaasiyiin caan ah oo I hortaagnaa oo uu ka mid yahay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,oo ay ka mid ahaayeen Taageerayaashii faraha badnaa ee reer Gabilay,guddoomiye iyo muuse iyo dhalinyaradiisiiba,Cawil iyo Dr:Cabdiba iyo dhamaanba masuuliyiintii kale ee aanan halkan magacooda ka sheeginba waxaan leeyahay intaba walaalayaal ku soo dhawaada gacmo furan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Img DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg Description
Img Description
Img DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg Description
Img DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg Description
Img DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg DescriptionImg Description
Img Description