War Deg De ah: Mooshinkii ka dhanka ahaa Raiisalwasaare C/weli Shiikh oo dib loo soo celiyay iyo Buuq ka Taagan Arinkaan!

prof.jawaari-1

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa dib u soo celiyay mooshinkii ka dhanka ahaa Raiisalwasaare C/weli Shiikh oo ay shalay keeneen qaar ka mid ah xildhibaannada Baarl;ammaanka Soomaaliyeed.

Sababta uu Prof. Jawaari u soo celiyay ayaa lagu macneeyay inay la xidhiidho nidaamka borotokoolka awoodaha maadaama uusan ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlammaanku qaban Karin mooshin iyadoo uu Gudoomiyuhu joogo, gudoomiyuhuna uu xilligaan si ku-meel-gaar ah u hayo jagadii Madaxweynaha oo dalka dibadda uga maqan oo sidaa awgeed uusan mooshin naacaan ah qaban Karin.

Si kastase ha ahaatee, dadka siyaasadda ASoomaalida u dhuun daloola ayaa dib-u-celiskaan iyagu ku macneeyay inuu yahay amar meel kale ka yimid oo sababaha kore ay yihiin sababo marmarsiinyo looga dhigayo diidmada mooshinka muranka badan dhaliyay.

Haddaba su’aasha ay dad badani dhegta u taagayaani waxay tahay kooxdii shalay mooshinka geysay ma u dhiibi doonaan Prof. Jawaari marka Madaxweynuhu uu dalka dib ugu soo noqdo oo Gudoomiyaha Baarlammaank uu jagadiisii dib ugu soo noqdo mise iyagana afkaa subag loo marin doonaa oo marmarsiinyo kaa kore la mid ah ayay sameyn doonaan?

Salaanmedia/Moqdisho